U bood dhigaalka

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Oo Goobjoog Uga Waramay Arrinta Janan

Sheeko:Amniga

Wararka ku saabsan baxsashada wasiirkii amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa weli isasoo taraya, Jubbaland ayaa sheegtay iney dooneyso warkiisa nolol iyo geeriba.

Wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta dowlad gobaleedka Jubaland Cabdi Xuseen Sheekh  Maxamed ayaa sheegay in wasiir Cabdi rashiid Janan dowladda federaalka Soomaaliya laga doonayo in ay soo cadeyso halka uu jiro, waxaana uu dafiray in uu Jubbaland uu joogo.

Wasiirka oo la hadlay Goobjoog News  ayaa xusay in dowladda federaalka ah markii hore ay iyadu afduubtay oo ku tilmaamtay inuu yahay danbiile iyaduna  uu  u xirnaa.

“ Wasiir Cabdi rashiid annagu waxaan ku ogeyn gacanta dowladda iyaga ayaa xiray, afduubay oo yiri waa dambiile xabsina ku haayey, haddana in ay yiraahdaan wuu baxsaday iyaga ayaa laga rabaa inay cadeeyaan halka uu Cabdi rashiid jiro ayuu yir”.

Wasiirka oo hadalkiisa siiwato ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in Cabdi rashiid Janan la geeyey magaalada Kismaayo, waxaana uu sheegay in Janan nolol iyo geeri Jubbaland aysan ku heynin.

“Cabdi rashiid annagu Wasiir Cabdi rashiid maanan qarin laheyn,  waayo hadii uu Kismaayo yimaado waxaa uu imaan lahaa deegaankiisa iyo waliba dadkiisa , annagu ayaga ayaan ka rabnaa oo yiri waa dabiile Kismaayo ma joogo dooninna ma keenin”.

Dhanka kale,  wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa dhanka kale shaki geliyey in Cabdi rashiid uu nool yahay ama uu ku xiran yhay xabsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho waxaana hadalkiisii kamid ahaa.

“ Wax weliba waa ay dhici karaan oo waa suurtogal, waxaa laga yaabaa in ay meel kale oo wadanka ka baxsan geeyeen, waxaana macquul in uusan nooleenba, lakiin annagu sida ugu Kheyrka badan ayaan filaynaa iinuu Allaahey ka dhigo, waxaana rabnaa inuu wax fiican ka soo baxo Allah idankii”.

Ugu dambeyn,  wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiita Jubbaland En Cabdi Xuseen Maxamed, ayaa caddeeyey in mowqifka dowlad gobaleedka Jubbaland uu yahay in dowladda federaalka soo cadeyso halka uu ku danbeeyo wasiirkii amniga Cabdirashiid Janan.

“ Dowladda ayaa mas’uuliyadda qaadeyso wax walbo oo Cabdirashiid soo gaara iyaga ayaa gacanta ku haayey Soomaali oo dhanna ay ogeyd , wax kale oo war ah m ajiro waa in laga war sugaa halka ay ku dambeeyaan”.

Cabdirashiid Janan ayey booliiska Soomaaliyeed sheegeen inuu baxsaday 28-kii bishan ilaa hadda lama oga meel uu ku sagan yahay.

Goobjoog News.