U bood dhigaalka

Wasiirka Warfaafinta oo Ballan Qaadey in Wariyayaasha xiran Helli doonaan xuquuqdooda dastuuriga ah

Sheeko:Dalka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo maanta ku soo noqday Muqdisho ayaa ka hadlay xariga Wariyaasha Universal TV.

Maareeye ayaa sheegay in uu xaqiijinayo Xuriyadda Qowlka iyo Saxaafadda sida uu qabo qodobdka 18-naad ee Dastuurka isagoo intaa raaciyay in ay xaqiijinayaan in Saxaafadda aan dambi lagu gelin.

Wasiirka ayaa balan qaadey in ka Wasaarad ahaan ilaaliyaan Xuriyadda Saxaafadda iyo Xuriyadda Wariyaha.

Maareeyeen waxaa uu sidoo kale carabka ku dhuftay in ay xaqiijinayaan in Wariyaasha ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah oo aan lagu xad gudbin.