U bood dhigaalka

Wasiirka Warfaafinta Oo Hambalyo u Diray Idaacadda Goobjoog

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda warfaafita Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo goor dhaw hadal ka jeediyay munaasabadda loogu dabaal degayo Seddax Sano guurada Goobjoog ayaa ugu horeen u hambalyeeyay maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda.

Waxa uu Idaacadda Goobjoog sheegay in ay tahay mid shacabka u adeegtay, islamarkaana aad uga hadashay arimaha bulshada.

“Idaacadda Goobjoog waxa aan uga mahad celinayaa sida wanaagga badan ee bulshada ay ugu shaqeyso, waxa ay ka hadashay arimaha ku aadan Bulshada, waxaan hadana leeyahay halkiina kasoo wada dadaalkiina”

Dhinaca kale wasiirka ayaa mar uu soo hadal qaaday arimaha ku aadan sharciga saxaafadda ayuu sheegay in uu yahay mid baahi weyn loo qabo, islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku rajeynayaan in uu soo meel maro.

Sidoo kale wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in ahmiyad gaar ah ay siin doonaan ka wasaarad ahaan, warbaahintii shacabka u adeegta, tabisana waxa bulshada u baahan tahay.

Idaacadda Goobjoog ayaa maanta u dabaal degaysa Sanad guuradii Sedaxaad markii Idaacadda ay hawada kusoo biirtay.

Goobjoog News

Mar Walba u Daacad Ah Dadweynaha