U bood dhigaalka

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho Ka Furay Shir u Dhaxeeya Wasaaradda iyo Kuwa Maamullada Dalka

Sheeko:Amniga

Shir u dhaxeeya wasaaradaha warfaafinta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa heer dowlda goboleed ayaa waxaa shir uga furmay magaalada Muqdisho, kaas oo socon doona muddo sedex cisho ah, waxaana lagu wadaa in looga hadlo doorka wasaaraha ee ku aadan wacyigelinta bulshada iyo ka qeyb qaadashada  dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.

Wasiirka Daa’uud Aweys oo kulanka furitaankiisa ka hadlaya ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in kulanka looga hadlayo sidii mid looga noqon lahaa barnaamijyada dowladda loogana fogaan lahaa wax weliba oo abuuri kara khilaaf ka dhasha dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah, waxaana uu ugu baaqay in wasaarad weliba ay qaadato doorkeeda ku aadan.

“Sababaha ugu weyn ee sidaan aan u samaynayno waxaa ay tahay, dowladdu waxaa ay leedahay ajanda, waxaa ay leedahay hadafyo, marka la rabo in hadafyadaas la gudbiyo waxaa loo baahan yahay fariimo iswaafaqsan oo aan isdiidaneyn, weliba marka lagu jiro xilliyadaan xasaasiga ah oo wadanka ay ka jiraan abaaro ay ka jiraan colaado” ayuu yiri wasiir Daa’uud.

Kulankaan oo socon doona muddo sedex maalin ah ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa wasaaradda warfaafinta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waxaana inta uu socdo looga hadli doonaa sidii loo kordhin lahaa wadashaqeynta wasaaradaha heer federal iyo heer dowlad goboleed ee warfaafinta, waxaana lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo maalinta barri ah.

Goobjoog News