U bood dhigaalka

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo is-casilay

Sheeko:Dalka

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaca ka qaaday inuu xilkaas iska casilay. Wasiirka ayaa is-casilaaddiisa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda VOA.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego.

Wasiirka ayaa sheegay in kadib 11 bilood oo uu xilka hayey ay suurta-gali weyday in aragtidiisa siyaasadeed uu dowladda ku biiriyo, sidaas darteed ay fududahay inuu isaga xilka ka tago oo tan madaxda sare la dayao.

Waxyaabaha uu xusay ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda dowladda iyo habka dowladda ay ula macaamisho mamaul goboleedyada dalka.

Go’aanka uu qaatay ayuu sheegay inuu yahay mid aan deg deg ahayn, balse uu muddo ku taamayey.

Goobjoog News