U bood dhigaalka

Wasiirka Waxbarashada Puntland Oo DF Ku Eedeeyey Siyaasadeynta Manhajka iyo Wada-shaqeyn La’aan

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowled gobaleedka Puntland Cabdulaahi Maxamed Xasan, oo maanta ka hadlayay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay ardeyda dhameystay dugsiyada sare ee deegaanda Puntland, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay fagalin ku heyso waxbarashada Puntland.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe in ay siyaasadeysay soo saarista  shahaadooyinka ardayda ka qalin jabisay dugsiyada sare sanadkaan, waxaa uuna xusay in arrintaas ay tahay wax nasiib darro ah waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” Arrintaas shahaadada ee federaalka wali wax xal lama gaarin, waana la siyaasadeeyay oo bulshada Puntland waa ay ogtahay, 5000  oo arday oo ku noool Puntland in la siyaasadeeyo shahaadooyinkooda waa wax aad looga xumaado”.

Sidoo kale wasiir Cabdullahi  ayaa xusay in Puntland marwaliba ay ka go’an tahay in dadka Soomaaliyeed ay isku soo dhawaadaan, siyaasad ahaan iyo waliba waxqabad ahaan.

“ Waxaan rabnaa in dadka Soomaaliyeed ay isku soo dhawaadaan,  waxqabad iyo siyaasad ahaanba, annagu diyaarbaan u nahay inaan kala shaqeyno wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka wixii ay nooga baahato”

Dhankale wasiirka wasaaradda waxbarashada dowled gobaleedka Puntland, ayaa sheegay in wada shaqeynta dowladda federaalka ay la leedahay Puntland ay aad u liidato, waxa uuna ugu baaqay in madaxda wasaaradda waxbarashada federaalka iyo kuwa Puntland sida ugu dhaqsiyaha badan loo xaliyo arrintaan.

”Mushkiladda jirta waxaa weeyaan wax wada shaqeyn ah oo dhankaas nooga imaaneysa majirto, waxaan ugu baaqayaa madaxda federaalka iyo kuwa Puntland waxaan ka codsaneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu xaliyo arrintaan”

Ugu danbeyn wasiirka Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa ardayda u sheegay in shahadada Puntland ay diyaar tahay, waxaa uuna rajo ka muujiyay in sida ugu dhow ay u heli doonaan midda dowladda federaalka isaga oo yiri “waxaan ardayda ugu bishaaraynayaa midda Puntland waa diyaar taasna waxaan rajaynaynaa in ay xalisanto”.

Goobjoog News