U bood dhigaalka

Wasiirka Waxbarshada Federaalka: Ma Jirto Jaamacad Aan Aqoonsannahay

Sheeko:Dalka

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in wasaaradiisu aaney aqoonsaneen jaamacadaha dalka, isaga oo u sababeeyay tayada iyo in aan weli la wada fariisan.

Wasiirka oo wareysi siiyay Somali Cable ayaa intaasi raaciyay “innaga ma jirto Jaamacad aan aqoonsanahay, oo jaamacad ahaan, oo aan dhihi karno jaamacad waan aqoosanay, oo Academic Function ay leedahay, qaabka ay u sameysan tahay, tacliinta ay bixineyso, waan aqoosanahay, jaamacad aan dhihi karno ma jirto”. “Waan qiyaaseynaa in jaamacaad badan oo dalka ku yaallo ay soo buuxinaayaan standards caalamiga ahaa ee jaamacaduhu lahaayeen ama wax u dhow, laakin weli iskuma imaan, oo aanan wasmeysay standardskaas, markii aan kaas sameysanno, oo aan rabno inaan Control-no ayaa dhihi karnaa Jaamacaddan waan aqoosnahay, waxaan ku aqoosanahay shuruudahaas 1,2,3, 4 xataa Jaamacadda umadda”.

Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, waxaa uu sheegay inay heystaan Jaamacadahaasi diiwaan-gelin balse aysan aqoonsneen, taasi oo su’aal ka keenni karta sida ay u diiwaan-geliyeen jaamacad, aan la hubin tayada aqoonteeda.

Goobjoog News, oo xiriiro la sameysay wasiirka waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan  uma suuro-gelin inay wax jawaab ah ka helaan.

Goobjoog News