U bood dhigaalka

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Syria oo Geeriyooday

Sheeko:Caalamka

Waxaa maanta oo Isniin ah gudaha magaalada Dimishiq ee dalka Siiriya ku geeriyooday wasiirkii arrimaha dibadda iyo Qurbajoogta Waliid Al-Mucallim, ahaana Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaasi

Wakaaladda Wararka Syria ee “SANA” ayaa soo qortay, “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogtu waxay ka tacsiyeynaysaa geerida Walid Al-Macallim, Wasiirkii Arrimaha Dibadda.”

Al-Mucllim wuxa uu caasimadda Demishiq ku dhashay July 17, 1941,  waxaana uu la wareegay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suuriya bishii Febraayo 11, 2006, isagoo wax ku bartay iskuulada dowliga laga soo bilaabo 1948 ilaa 1960, markii uu ka qaatay shahaadada dugsiga sare Tartous. Intaa ka dib, wuxuu ku biiray Jaamacadda Qaahira oo uu ka qalin jabiyay 1963 BA cilmiga dhaqaalaha iyo Sayni.

Goobjoog News