U bood dhigaalka

Wasiirkii Hore Baafo “Maamul Gobaleedyada Ayaa Lagala Tashan Doonaa Sugidda Cuntada”

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee beeraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Baafo ayaa sheegay in maamul gobaleedyada wadanka ka jira ay kala tashanayaan sidii loo sugi lahaa cunnada loogana hortagi lahaa musiibooyin dhaca.

Baafo oo u waramay Goobjoog News ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in arrintani xil gaar ah la iska saaro.

“Waxa ugu weyn waxa ay tahay in la helo qorshe mideysan oo dhinaca Soomaalida kasoo baxa, dowladda dhexe hogaamineysa, qeybna ka yihiin maamul gobaleedyada, mashaarciida la fulinayo ahaadaan kuwo banaanka laga keenay oo ay ahaadaan kuwo aan annaga kasoo shaqeynaya” ayuu yiri Mudane Baafo.

Sidoo kale Wasiir Hore Baafo ayaa sheegay in shirkii looga hadlayay arrimaha Shirka Sugidda Cuntada, u adkeysiga Aafooyinka iyo La qabsiga is badalka cilimida uu ahaa mid aad iyo aad loogu baahnaa.

Dhinaca kale Mr Baafo ayaa sheegay in dhamaadka sanadkaan magaalada Paris ee dalka France lagu qaban doono shir ballaaran oo looga hadlayo isbedalka cimilada aduunka, Soomaaliyana ay shirkaasi qeyb ka tahay.

Goobjoog News