U bood dhigaalka

Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibada ee Sucuudiga oo Geeriyoodey

Sheeko:Caalamka

Amiir Sucuud Al-feysal oo ahaa wasiirkii ugu xiliga dheeraa ee meel ka mid ah adduunka wasiir arrimo dibadeed ka noqda , kana ahaa dalka Sucuudiga ayaa geeriyoodey kadib 4 bilood uun markii uu xilkaasi ka dagayay , kaasi oo soo hayay illaa sanadkii bishii Oktoobar sanadkii 1975-tii.

Wuxuu goobjoog usoo ahaa xili xaaladihii ugu adkaa ay soo mareen waddamada carrabta iyo dunida islaamkaba, tusaale ahaan wuxuu usoo jogey labadii duulaan ee ay Israa’iil ku qaaday Lubnaan 1982-dii iyo 2006-dii.

Labadii duulaan ee Ciraaq lagu qaaday 1991-dii iyo 2003-dii, labadii duulaan ee Ciraaq lafteedu ku qaaday Iraan 1982-dii iyo kii ay Kuwait ku qaaday 1990-kii.

Sidoo kale waxa uu usoo joogey labadii kacdoon ee falastiiniyiinta ee kala dhacay 1987-dii iyo kii dhacay 2000.

Wuxuu mas’uul ka ahaa siyaasadda Sucuudiga ee yareynta saameynta Iran ee Bariga Dhexe.

Inkasta oo xiriirka Sucuudiga iyo Mareykanka uu inta badan ahaa mid heer sare ah, haddane waxa uu madoow soo galay sanaddii 2001-dii xiligaasi oo raggii qarxiyey daarihii dhaadheeraa ee Maraykanka oo 19 ahaa ay 15 ka mid ah ay noqdeen dad muwaadhiniin Sucuudi ah.

Amiir Sucuud ayaa wasiirka arrimaha dibada u ahaa 4 boqor oo dalkaasi soo martay, kuwaasi oo dhamaan ay isku qoys ahaayeen.

Isaga oo 74 jir ah ayuu ku dhintey isbitaal ku yaala dalka Mareykanka halkaasi oo loo geeyey sababo caafimaad.

Goobjoog News