U bood dhigaalka

Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Somaliland oo sheegay in 61% Dhaqaalaha loo Adeegsado Sifo aan Sharci ahayn

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Injineer Maxamed Xaashi Cilmi oo hadda ah falanqeeye arrimaha dhaqaalaha, ahna sidoo kale siyaasi ka tirsan madasha wadatashiga oo ah urur  ay ku midaysan yihiin siyaasiyiin iyo aqoonhanno madax banaan ayaa  xukuumadda Somaliland iyo golaha baarnamaankaba ku dhaliilay inay  sharci jabin  ku sameeyeen dastuurka Somaliland, isagoo tusaale u soo qaatay dhinaca isticmaalka hantida dadweynaha oo uu xusay in labada dhinacba ay si qaldan u adeegsadaan .

Maxamed Xaashi oo ka hadlay eedaynta uu xukuumadda ugu hayo isticmaalka  dakhliga Somaliland soo gala iyo iibin uu sheegay in ay xukuumaddu  ku waddo hanti ka dhaxaysay bulshada  ayaa waxa uu yiri, “Somaliland hadda waxa ka dhaca ku takri fal hantida umadda ah  sababta oo ah waxa la wada iibiyey dhammaan hantidii guud ee dawladdii Maxamed Siyaad  barre dalka kaga tagtay meel  la mariyeyna la garan maayo baahi loo iibiyeyna cid sheegtay ma jirto “.

Maxamed Xaashi Cilmi ayaa baarlamaanka ku dhaliilay inay xukuumadda  heshiis kula yihiin sharci jabinta gaar ahaan muddo kordhintii 2 sanno  ee hore uu madaxweyne Siilaanyo ugu darsaday  muddadiisii xil haynta iyo mid kale oo uu shegay  inuu ka cabsi qabo, “Haddii muddo kordhin la samaynayo waa in la sababeeyo  oo la sheego baahida keentay oo ay ka mid noqon karto dalka oo xaalad adag gala sida dagaalo balse in waqti uun lagu darsado  waa sharci lagu tuntay” ayuu Maxamed Xaashi sheegay .

Maxamed Xaashi Cilmi wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland waxa uu ka hadlay qaabka golaha wakiilada ee Somaliland u ansixiyaan xeerarka xukuumaddu u soo gudbiso oo uu ugu dambeeyey  kii dekadda  Berbera waxaanu yiri”  heshiiskii dekadda Berbera waxa lagu ansixiyey duuduub  oo macnaheedu yahay waxaad xukuumad ahaan waddaan waan idinku taageersannahay ma aha shaqo iyo nidaam sharci ugu  yaraan waa in dood lagu qanco ka dib la ansixiyo xeerka  balse tani waa ceeb kale oo dul hoganaysa golaha”.

Maxamed Xaashi ayaa sheegay sidoo kale in xog baaris uu ku sameeyey qaabka loo isticmaalo dakhliga soo gala xukuumadda isaga oo adeegsanaya  aqoonta uu u leeyahay wasaarada maaliyadda ee uu wasiirka ahaan jiray  uu ku ogaaday in lacag ku dhiganta  61% loo adeegsado sifo aan sharci ahayn oo aan loo baahnayn  “ 49% kaliya ayaanu si sax ah u adeegsanaa  inta kale  waxay ku baxdaa meel aan loo baahnayn,  waxa tusaale u soo qaatay 59 wasiir ayaa xukuumadda ka tirsan wax 15 ka badanna looma baahna sidaasi darteed lacag kasta oo ku baxda wasaaradaasi iyo goobaha ay ka shaqeeyaan waa  lacag sharci darro ku baxday”.

Maxamed Xaashi ayaa ku soo koobay  war uu siiyey warbaahinta  in loo baahanyahay in shacabku ka dhiidhiyaan  qaladaadka uu soo  sheegay oo uu xukuumadda iyo baarlamaanka ku eedeeyey waxanu intaasi ku daray in loo baahan yahay sidii looga gaashaaman  lahaa  in maamulka soo socda uu u noqdo mid shaqo ahaan ka duwan kan uu dhaliilsan yahay ee hadda jira.

Goobjoog News