U bood dhigaalka

Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland oo Kismaayo Lagu Aasay

Sheeko:Amniga

Maydka Allaha u naxariisto  wasiirkii wax barashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland Marxuum Maxamad Ibraahim Maxamuud ayaa maanta laga soo dejiyey Garoonka diyaaradaha Sayyid Muxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo si aas qaran loogu sameeyo  wasiirka gudaha magaalada Kismaayo.

Waxaa janaasada marxuumka garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dawlad goboleedka Jubbaland oo ay hor kacayaan madaxwayne Axmad Maxamad Islaam Madoobe iyo labada madaxwayne ku xigeen .

Meydka Marxuumka ayaa la geeyay qubuuraha ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo halkaas oo salaada janaasada ah lagu tukaday  laguna aasay halkaasi iyadoo Saalada ay kasoo qaybgaleen  madaxda maamulka.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dadaal badan ku bixisay sidii meydka wasiirka loogu Aasi lahaa loona keeni lahaa Magaalada Kismaayo ee caasimada dowlad goboleedka Jubbaland maadaama wasiirka uu ku geeriyooday wadanka Hindiya ka dib markii wasiirka uu haleelay xanuunka kansarka ugu dambayna uu u geeriyooday.

Goobjoog News