U bood dhigaalka

Wasiirkii Waxbarashada Oo Goobjoog Uga Jawaabaya Qaabka Loo Ceyriyay Iyo Hadalkiisa Jaamacadaha

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo nagu soo booqday Goobjoog News ayaan wax ka weydiiney qaabka loo ceyriyay, hadalkii uu ka dhahay Jaamacadaha, Manhajka iyo arrimaha kale oo ku saabsan shaqada wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare.

Ugu horeyntii, waxaa Cabdiraxmaan Daahir  wax ka weydiiney qaabkii loo ceriyey iyo haddii ay jirto cid la soo xiriirtay?

Cabdiraxmaan Daahir: Haa, waxaa isoo wacay ra’isul wasaaraha, arrintii aan Jaamacaha ka dhahay, waana u sharaxay ujeedkeyga sida uu ahaa. Kuma dhihi karo hal sabab ayaa la iigu ceyriyay, waxaa dhici karto qofka hadal uu dhahay oo qalad loo arkey, shaqo gudasho la’aan ama cadaadis siyaasadeed oo jirey ama xataa waxaas oo dhan oo is-biirsaday, intaas ayaa ku dhihi karaa ee Fadlan ha isii cadaadin.

Goobjoog News: Waxaa Maxay Sababta Aad U Dhahdey Jaamacadaha Ma Aqoonsanin?

Cabdiraxmaan Daahir: Hadal run ahaa ayaan sheegay. Aan kuu sharaxo, Jaamacad ma aqoonsato wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, ee waxaa aqoonsi siiya hey’adda madaxbannaan oo tacliinta sare iyaga oo hubinaya dhowr arrimood: (1). In Jaamacadda ay leedahay board of directors oo hal qof aaney jeebka ugu jirin, oo aanu markii uu rabo xerin sida ardey kumannaan ah ay waxbarasho la’aan ugu dhacdo. (2).  in ay hubiso tayada macalimiinta, oo midka ugu hooseeya uu heysto Master oo aqoontiisa la sii hormarinayo. (3).  Inay hubiyaan siyaasadda maaliyadeed ee Jaamacadda iyo Manjadka. (4). Iyo Jaamacadda Qalabka leedahay, tusaale ahaan haddii caafimaad ay dhigayan ama Injineerinka, waxaa ay u baahanyihiin qalab….intaas marka la hubiyo aya aqoonsi la bixiyaa. Hadda ma jirto hey’addii, mana jirto qorshe dhow oo arrintaas ah, sidaas ayaan ula jeeday.

Goobjoog News: Maxaa Keenay Inaan Manhaj Af-Soomaali Ah Soo Saartaan Xilli Dunida AfKa Ingiriiska Ku Wada Xiriirto?

Cabdiraxmaan Daahir: Luqadda waa means  ee ma aha muhiim, waxaa muhiim ah tayada manhajka iyo falsafadda fog ee laga leeyahay. 3-maado keliya ayaa Af-Soomaal lagu dhigi-doonaa oo kala ah:  Science-ka( biology, Physics, Chemistry), Social Stadies-ka oo arrimaha bulshada ah iyo Xisaabta, inta kale caadi, oo Carabi iyo Ingiriiska luqad ahaan ayaa loo baran-doona. Teeda kale dalal badan oo Shiinaha ku jiro afkooda ayey wax ku bartaan waxbarashadana qiimo ayey leedahay, waxaan intaas kuugu darayaa waxaa hadda dalkeenna jooga ardey wax ku soo bartay Carabi iyo Ingiriis oo aan cilmi iska dhaafee, luqaddii ay wax ku soo barteen ay dhib ku tahay.

Goobjoog News: Dhaqan-gelinta Manhajka Makala Hadasheen Dalladaha?

Cabdiraxmaan Daahir: Haa, in Af-Soomaali manhajka laga dhigo waxaa ay ku qorantahay sharciga waxbarashada dalka, arrintan waxaa heshiis ku ah dalladaha iyo dhammaan bah-wadaagta waxbarashada iyo xey’adaha taageera, waxa diyaar ahaa buugaagtii fasalka 1aad ilaa 4aad, waana in laga dhaqan-geliyaa iskuul walbo oo Soomaaliya ku yaallo.

Goobjoog News: Markii aad Timid, waxaad ka sheegatay shaqaalo badan iyo Howl yar, Maxaad Ka tagtay?

Cabdiraxmaan Daahir: Waa Su’aal fiican. Waxaan ka tagay arrimo badan, horta wasaaradda hadda waxaa jooga 10 agaasime iyo 10 waaxood, oo agaasimaeyaashii tirada badnaa waa ceyriyay.  Waxaan aad u wanaajiyey xiriirka wasaaradda iyo dhigooda maamul goboleedyada, waxaa aad u wanaagsan xiriirka wasaaradda iyo dalladaha dalka ka jira, waxaan qalabeeyay wasaaradda oo hadda lama sugayo saxiix hebel, waxaan ka dhigay hey’ad iyo xafiisyo wada shaqeeya. Imtixaanaadkii mideysan oo dibadda lagu daabici jiray, waxaan ku daabacney, ku habeyney, kuna keydiney gudaha dalka iyada oo ay wasaaradda bixisay maaliyadda iyo qarashka ku baxay.

Goobjoog News