U bood dhigaalka

Wasiiro iyo Xildhibaano Federaalka ah oo Beledweyn Kula Shiraya Odoyaasha Dhaqanka

Sheeko:Dalka

Kulamo lagu xalinayo khilaafka ka dhashay maamul u sameynta labada gobal ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa maanta si rasmi ah uga billaabanaya magaalada Baladweyne.

Sida uu ku warramayo weriyaheena gobolka, Magaalada Baladweyne waxaa hadda ku sugan wasiiro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kuwaasoo lagu wado inay la kulmaan beelaha gobalka Hiiraan.

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa kamid ah xubnaha dowladda ka socda ee ku sugan Baladweyne kuwaas oo halkaas u tagay arrinta waanwaan ka galista muranka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Odayaasha dhaqanka beelaha gobalka Hiiraan ayay wafdigani kulamo la qaadan doonaan waxaana kulamada ujeedka u weyn ay yihiin sidii beelaha weli ka biyo diidsan maamul u sameynta goballadaasi loogu qancin lahaa inay shirka madasha Jowhar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in odayaal dhaqanka qaarkood ay doonayaan in maamul gaar ah loo sameeyo gobalka Hiiraan oo kaliya.