U bood dhigaalka

Wasiiro Ka Tirsan Galmudug Oo Saraakiil NATO Ah Kula Kulmay Markab Dushiisa

Sheeko:Dalka

Wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug iyo saraakiil NATO ah ayaa ku kulmay  markab dagaal oo kusoo dhawaaday xeebta degmada Hobyo.

Kulankaan ayaa ahaa mid saacado badan qaatay, waxaana laga wada hadlay arrimo badan oo ku aadan ka shaqeynta amniga badda iyo ka qeybqaadashada horumarada gobalka Mudug.

Maxamuud Cawaale oo ah gudoomiyaha degmada Hobyo ayaa u sheegay Goobjoog News, in kulankaan uu ahaa mid muhiimad gaar ah lahaa, islamarkaana saraakiisha NATO ay ka socdeen wadanka Denmark.

Waxa uu tilmaamay in ay ka heleen ballan qaad ah inay ka qeybqaataan horumarka deegaanka, maadaama hadda aysan jirin burcad badeed, sidoo kalena ay qalab ciidan u keeni doonaan.

“Waxay ina dhaheen maadaama ay yaraatay Burcad badeeda waxaan idiin sameyn doonnaa ka qeybqaadashada horumarinta, ciidamadana qalab ayaan idiin siineynaa, waana ku faraxnay arrinkaa” ayuu yiri gudoomiyaha.

Sidoo kale gudoomiyaha degmada Hobyo ayaa sheegay in saraakiisha NATO ay uga dacwoodeen maraakiibta xaalufinta ku haya qeyraadka badda, sidoo kalena qashinka kusoo shuba xeebaha Mudug, loona sheegay in wax laga qaban doono.

Xeebaha dalka waxaa ku sugan maraakiib dagaal oo la sheegay inay la dagaallamayaan kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah.

Goobjoog News