U bood dhigaalka

Wasiiro Ka Tirsan IGAD Oo Soo Gaaray Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasiiro  ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho oo maanta lagu qabanayo shir madaxeedka dalalka ku bahoobay ururka IGAD.

Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Kenya, Jabuuti iyo Ugadna ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxay wasiiradan horudhac u yihiin madaxda dalalka IGAD ee maanta ku shiri doona magaalada Muqdisho.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana guud ahaan magaalada laga dareemayaa shirka IGAD ee saacado ka dib furmi doona.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News