U bood dhigaalka

Wasiiro ka tirsan Dowladda Yemen oo kusoo laabtay Cadan

Sheeko:Dalka

Wasiiro ay la socdaan rag ka tirsan sirdoonka Yemen ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Cadan oo hadda ah xarunta KMG ah ee dowladda Yemen.

Sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee Reuters, Wasiirada ayaa Helicopter looga soo qaaday dalka Sacuudiga, halkaas uu sidoo kale ku sugan yahay Madaxweynaha dalka Cabdirabu Mansuur Haadi.

Madaxweyanaha dalka Yemen ayaa ka cararay dalka bishii March ee sanadkan kadib markii Xuutiyiinta ay la wareegeen caasimadda Sanca iyo magaalooyin kale.

Wasiirada ayaa dib ugu soo laabtay Cadan maalin kadib markii ciidamo taageersan Mansuur ay Xuutiyiinta iyo Cali Cabdalla Salix kala wareegeen magaalada Cadan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada la wareegay Cadan ay taageero ka helayeen Huwanta Sacuudiga uu hogaamiyo ee duqeynta ka wada halkaas.

March 19, 2015: Sacuudiga iyo isbaheysi gaaraya 9 dal ayaa weeraro circa ah ku qaaday Xuutiyiinta Yemen kadib markii kooxda Xuutiyiinta ay kusoo siqeen magaalada Cadan oo aheyd halka uu xiligaas ku sugnaa Madaxweynaha Yemen Cabdirabi Mansuur Haadi.