U bood dhigaalka

Wasiirrada Arr/ Dibadda Soomaaliya , Itoobiya iyo Eretrea Oo Ku Sii-jeeda Djibouti

Sheeko:Dalka

Wasiirrada arrimaha dibedda ee Dowladaha Soomaaliya , Itoobiya iyo Eretrea ayaa la filayaa in ay dhawaan kulan Saddex Geesood ah ku yeeshaan Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jabuuti.

sida ay qortay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed,  masuuliyiintan ayaa ku wajahan Jabuuti, iyagoo ka wada hadli doono sidii xal waara looga gaari lahaa xurgufta dhex taalla Jabuuti iyo Eretrea.

Kulankan ay Jabuuti ku yeelanayaan Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea ayaa waxa uu qayb ka yahay shir ay Magaalada Casmara ku yeesheen hoggaamiyeyaasha Waddamada Saddexdan Dal, kaasoo ku qotoma in la dhammeeyo mad-madoowga siyaasadeed ee ka dhex jira Waddamada Bariga Afrika, laguna beddelo nabad , horumar iyo wada noolaasho.

Goobjoog News