U bood dhigaalka

Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay xoojinta dagaalka Argagixisada lagula jiro.

Sheeko:Dalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya , ayaa waxaa uu kulan dheer la qaatay Dhiggiisa dalka Kenya Raychelle Awour Omamo.
Mas’uuliyiinta labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya iyo Iskaashiyo hor leh oo laga galayo dhinacyada Amaanka, Labada dhinac waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo xasilinta dalka iyo la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dalka Soomaaliya, Gobolka iyo Caalamka guud ahaan.
“ Waxaan uga mahadnaqayaa Dawladda Kenya oo ciidankeedu ay qaybta ka yihiin howlgalka AMISOM taageerada ay noo fidinayaan ee ka qayb qaadashada sugidda iyo la dagaalanka Argagixisada oo gobolka khatar ku ah.” Ayuu yiri Wasiir Diini.
Dhanka kale waxaa uu xusay in ay ka go’antahay sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa kooxaha Xagjirka ah ee dhibaataynaya shacabka Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in lasii xoojin doono howl-galadda lagu burburinayo kooxaha ka soo horjeeda dowladdda iyo Kenya in ay u baahan tahan iskaashi iyo wadajir in lagu wajaho.

Goobjoog News