U bood dhigaalka

Wasiirro Ka Tirsan Galmudug Oo Kulamo La Leh Waxgaradka Caabudwaaq

Sheeko:Dalka

Wararka saaka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in wasiiro ka mid ah maamulka Galmudug ay kulamo la leeyihiin waxgaradka ku dhaqan degmadaasi.

Kulamadaan ayaa ah kuwo looga arrinsanayo weerar shalay ciidamo la sheegay inay ka midyihiin ku qaadeen hoyga wasiirka ganacsiga iyo warashada ee maamulka Galmudug.

Illaa Shan Wasiir oo ka mid ah maamulka Galmudug ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay gaareen degmada Caabudwaaq, waxaana ay wadaan la kulanka Odayaasha dhaqanka ah.

Inkastoo kulamo waan waan ah ay socdaan, ayaa hadana shacabka ku dhaqan degmada Caabudwaaq, waxay ka baqayaan in mar kale lagu dul dagaallamo.

Ciidamo aad u badan ayaa lagu arkayaa saaka xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Caabudwaaq, waana midda keentay in laga baqo dagaallo inay dhacaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News