U bood dhigaalka

Wasiirro Ka Tirsan Galmudug Oo Puntland Ku Eedeeyay Inaysan Dooneyn Xalka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wasiirro ka tirsan maamulka Galmudug oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay guddiyo ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo Puntland oo qorshaha uu ahaa inay ka wada hadlaan colaadda Gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa 14-kii bishaan magacaabay guddi wasiirro ah oo Galmudug ka socda si ay magaalada Gaalkacyo wada hadallo ugu la soo yeeshaan guddi kale oo wasiirro ah oo uu soo magacaabay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Wasiirrada ka socday dowlad goboleedka Galmudug waxay kala ahaayeen Wasiirka amniga Cismaan Ciise Nuur(Taardhuleed), Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Xasan Maxamed Warsame Iyo Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Burhaan Warsame Cigaal.

Kulankooda kadib waxaa saxaafadda la hadlay Wasiirka Kalluumeysiga Xasan Maxamed Warsame oo sheegay in ka Galmudug ahaan ay diyaar u yihiin sidii loo nabdeyn lahaa Gaalkacyo islamarkaana loo kala rari lahaa ciidamada isku horfadhiya galbeedka Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in wasiirradii ka socday maamulka Puntland ay is arkeen balse ay diideen in ay ka wada hadlaan xiisadaha ka aloosan magaalada Gaalkacyo.

“Shirkayaga sharaa’id ee maanta wuxuu daba socdaa guddi la magacaabay 14-kii bishaan oo ka kooban seddex wasiir oo labada dhinac ah, intaas kadib dowladda Galmudug waa soo magacowday waana seddexdaan aan halkaan ku fadhinno, Puntland iyana way soo magacawday xiriir ayaana sameynay, si aan u wada hadalno hase yeeshee Puntland nimankii matalayay waa ku gacanseyrnay maxaa yeelay way diideen in wada hadallada ay sii socdaan oo labada maamul ay wada hadlaan” ayuu yiri Wasiir Xasan Maxamed.

Waxa uu sheegay in weli ay ishorfadhiyaan ciidamada labada dhinac islamarkaana Galmudug ay ka duuleyso in odayaasha aysan kala rari Karin oo awood aysan u lahayn sidaa daraadeedna ay labada maamul ay wada hadlaan.

Wasiirka Kalluumeysiga Galmudug MR. Warsame ayaa sheegay in Galmudug ay ku soo amartay oo ay Gaalkacyo u yimaadeen dejinta xiisadda dagaal si hadhow loogu gudbo shirweyne nabadeed oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Magaalada Gaalkacyo ayaa weli waxaa ka muuqanaya saameynta colaaddani ay ku yeelatay waxaana gebi ahaanba xiran adeegyadii bulshada ee magaaladaasi iyadoo ay isaga baxeen dadkii deganaa oo ka cabsi qabo in labada dhinac ee dirirsani ku dul dagaallamaan.

Goobjoog News