U bood dhigaalka

Wasiirro Ka Tirsan Puntland Oo Qiimeynaya Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Af Urur

Sheeko:Dalka

Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland ahna guddi dhowaan madaxweyne Gaas u xilsaaray iney soo qiimeeyaan khasaarihii ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Af urur ee gobolka Bari ayaa maanta gaaray deegaankaasi.

Wasiiradan waxaa hoggaaminaya wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Cali Xirsi Qarjab, waxaana ay tagi doonaan dhammaan goobihii lagu dagaallamay iyo sidoo kale isbitaallada la geeyay dhaawacyada ciidanka Puntland iyo dadka shacabka ah.

Inta aanay tagin deegaanka Af urur waxay sii mareen degmada Carmo oo Isbitaallada ku yaalla ay jiifaan dadkii ku dhaawacmay dagaalkaasi, waxaana warbixinno ay ka dhageysteen dhaqaatiirtii halkaasi joogtay.

Wasiiradan ayaa inta ay ku sugan yihiin Af urur waxay la kulmi doonaan saraakiisha Puntland ee dagaalladaasi ka qeybqaatay iyo sidoo kale shacabkii ku sugnaa deegaanka.

Markii ay soo dhammeystaan xog wareysigooda waxay kusoo laaban doonaan madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay u gudbin doonaan khasaaraha guud ee Puntland kasoo gaaray dagaalkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News