U bood dhigaalka

Wasiirro Katirsan Somaliland Oo Lagu Casuumay Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Wasiirro ka tirsan Somaliland ayaa lagu casuumay Boqortooyada Sacuudi Carabiya sida lagu sheegay warqad ka soo baxday Somaliland.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Sacuudiga uu waraaq u soo diray afar ka mid ah wasiirada Somaliland, kuwaasi oo la sheegay in iyaga iyo boqortooyada ay ka wadahadli doonaan arrimo la xiriira Maalgashiga.

Sucuudiga ayaa doonaya in uu maalgashado Somaliland, iyadoo afar kamid ah masuuliyiinta Somaliland loo soo diray warqad casuumad ah si ay dalkaasi uga wada hadlaan arrimaha la xidhiidha maalgashiga.

Shirkad uu leeyahay mid kamid ah dhaxal-sugayaasha boqortooyada Sucuudiga ayaa martiqaad usoo dirtay masuuliyiinta kala ah:Sacad Cali Shire oo ah wasiirka arrimaha dibadda, Xasan Maxamed Gaafaadhi, wasiirka xannaanada xoolaha iyo kalluumaysiga, Maxamed Cali Ismaaciil, Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha Debadda ee Wakiillada iyo Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Kulankan ayaa lagaga wada hadli doonnaa maalgashiga khayraadka beeraha iyo xoolaha ee Somaliland.

Qorshahan ayaa waxaa uu qayb ka yahay Hiigsiga 2030 ee Boqortooyada Sacuudiga, oo waxaa aanu rabnaa in aannu dawladaha walaalaha ah ka caawinno horumarka  ayaa lagu yidhi warqaddan.

Goobjoog News