U bood dhigaalka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Looga Adkaaday Tartankii Xildhibaanimo

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya ahaana xildhibaan ka tirsan baarlamaanka waqtigooda uu dhammaaday ayaa maanta lagaga adkaaday tartanka doorasho ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

Kursigani waxaa kula tartamayay labo musharrax kale oo midkood uu ku soo baxay tartankii doorasho.

Ergada maanta wax dooranaysay ayaa lagu sheegay inay ahaayeen 49 oo kaliya islamarkaana wasiiru dowlaha uusan meesha xaadirin hase yeeshee guddiga doorashada ay waceen oo muddo labaatan daqiiqo ah ay siiyeen inkastoo uusan tegin isagoo Baydhabo joogey.

Markii ay dhammaatay codeynta oo codadkii ergada la tiriyay ayaa waxaa guddigu sheegeen in Maxamed Saciid Cabdullaahi uu ku guuleystay 40 cod halka wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dowladda federaalka Khaalid Cumar Cali uu helay 3 cod musharrixii kale Keyse Mayow ayaa isna helay 1 cod.

Maadaama uusan joogin madashii ay ka dhacaysay doorashada wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Khaalid Cumar ayaa weli jirin wax war ah oo ka soo baxay oo ku aadan sida uu u arko doorashada looga adkaaday.

Doorashooyin kale oo aqalka hoose ah ayaa sidoo kale ka dhacay magaalada Baydhabo maanta oo ah Jimce.

Goobjoog News