U bood dhigaalka

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya oo la kulmay ergeyga midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SAWIRO)

Sheeko:Dalka

Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Burci Maxamed Xamsa ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa ergeyga gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Maman S. Sidikou , Taliyaha ciidanka AMISOM  Lt. Gen. Silas Ntigurirwa iyo Saraakiil kale .

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda Arrimaha Dibadda kala dhaxeysa ergeyga midowga Afrika iyo howlgalka AMISOM, adkeynta ammaanka dalka ,ka hortagidda  dhuxul laga dhoofiyo dekadda macmalka ah ee degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose iyo dekadda Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose , si loo dhaqan-geliyo go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo go’aanka  golaha ammaanka ee Qramada Midoobey ay ka soo saareen arrintan .

Wasiiru dowlaha , waxa uu ugu baaqay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM inay ka qeyb qaataan ololaha lagu joojinayo , laguna hor istaagayo in dhuxul laga dhoofiyo  Xeebta degmada Baraawe iyo dekadda Magaalada Kismaayo.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Burci Maxamed Xasan ayaa muujiyay in dhuxusha ay sabab u noqotay in dhirta iyo deegaanka ay la soo gudboonaato dhibaatooyin kala gedisan, taasina ay ugu wacan tahay dadka oo gubaya geedaha iyo dhirta gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed  ka baxa si ay u dhuxuleeyaan , ugana ganacsadaan.

Golaha ammaanka ayaa cunaqabateyn ku rogay in Soomaaliya ay dibadda uga dhoofiso dhuxusha laga gubo dhirta, taasi oo la aaminsan yahay inuu yahay isha dhaqaalaha kooxda Al shabaab ee xiriirka la leh Ururka Alqaacida.

DSC07348 DSC07350 DSC07351 DSC07352 DSC07353 DSC07354 DSC07355 DSC07356 DSC07357 DSC07358