U bood dhigaalka

Wasiiru Dowlaha Nabadeynta Somaliland oo Ka Hadlay Wadahadalada Khaatumo

Sheeko:Dalka

Wasiiru-dawlaha nabadaynta  u qaabilsan Somaliland deegaanada Sool iyo Sanaag Cabdirashiid Xuseen Cabdulle  ayaa rajo nabadeed  ku tilmaama shir dhawaan dad ka soo jeeda deegaanadaas  iyo xukuumadda Somaliland uga furmaaya magaalada Burco .

Shirkaasi oo  maalmaha ciidda ka dib la iskugu imanayaao ayaa waxay xukuumadda  Somaliland iyo bulshada kale ka wada hadli doonaan sidii loogu qancin lahaa saamiga ay beelaha deegaanada Sool iyo Sanaag degani  ku leeyihiin xilalka dawladda oo ay in badan saluugsanaayeen.

Wasiiru-dawlahan ayaa warbaahinta u sheegay inay tani noqonayso mid soo dhaweysa cabashada deegaanada uu wasiirka  u yahy, “ Madaxweynaha  ayaa runtii arrin wacan ka sameeyey oo ballan qaday arrintan waxayna ahayd taariikhi waxaanan u arkaa guul anigu in shirkaasi Burco ka qabsoomay” ayuu yiri  Cabdirashiid Xuseen Cabdulle oo Hargeysa kula hadlaayey warbaahinta.

Xukuumadda Somaliland oo dedaal ugu jirta sidii ay siyaasadeeda ugu qancin lahaayeen  ayaa ugu yaraan Afar shir u qabatay saddex bilood gudahood dad wax garad iyo siyaasiyiin iskugu jira oo ka soo jeeda Sool iyo Sanaag,  sidoo kale xukuuamdda wasiirro ka tirsani ay shir kula yeesheen magaalada Caynaba xubno ka tirsan maamulka Khaatumo  kaasi oo isna wali la sugaayo miro dhalkiisa.

Madaxweyne Siilaanyo  oo dhawaan safar ku tagay deegaanka Sool ayaa khudbad uu ka jeediyey magaalad Adhi-cadeeye  oo dhinaca Burco ka soo xigta Laascaanood  waxa uu u sheegay dadkii uu la hadlaayey in mudada xilkiisa ka harsan uu doonayo  dadka reer Sool oo ku qanacsan siyaasadda xukuumadda uu hogaaminayo inuu ka dago xilka.

Goobjoog News