U bood dhigaalka

Wasiiru dowlihii Maaliyadda Oo Noqday Xildhibaan

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur  ayaa maanta ka mid noqday baarlamaanka federaalka Soomaaliya wuxuuna ku soo baxay doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.

Wasiiru dowlaha xildhibaan Cabdullaahi Maxamed waxaa kursigani kula tartamayay seddex musharrax oo kale oo uu ku jiro wasiir ku xigeenkii wasaaradda gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa helay 28 cod, Bashiir Colow Calasow wuxuu helay 21 Cod, Daahir Maxamed Nuur wuxuu helay 1 Cod halka Salaad Cali Jeellena uu helay 1 Cod. Waxaana sidoo kale jirey labo haween oo musharrixiin ahaa kuwaasoo goobta ku sugneyn.

Guddiga doorashada ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay in Cabdullaahi Maxamed yahay xildhibaanka guuleystay.

Dhanka kale, xildhibaan hore Cabdisataar Cabdisalaan Sheekh Xasan Barsame oo horey uga mid ahaa golaha shacabka ayaa 29 cod kaga guuleystay Mustafa Isxaaq oo helay 22 Cod iyo labo kale oo musharrax.

Labo kale ayaa doorashadooda dhiman tahay oo maanta lagu ballansan yahay inay ka dhacdo magaalada Jowhar, inkastoo mid kamid ah kuraastaasi ergadiisa aysan soo xaadirin.

Goobjoog News