U bood dhigaalka

wasiiru-dowle Ka Tirsan Puntland oo Geeriyooday

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa saaka isbitaalka ku yaalla magaalada Garowe ku geeriyooday wasiiru dowlihii madaxtooyada maamulka Puntland Maxamed Xasan Ciise.

Marxuumka ayaa muddooyinkii dambe waxaa uu ku xanuunsanaayey isbitaalka, waxaana la damacsanaa in maanta oo sabti loo soo qaado Muqdisho si loogu dabiibo.

Allah u naxariistee marxuumka ayaa waxaa uu u geeriyooday xanuunka Neefta uu qabay sida la sheegay waxaana muddo sedex maalin ah ku xirnaa naqaska oo isbitaalka loo dhigay.

Goobjoog News