U bood dhigaalka

WatsApp-kii Bilaashka ahaa oo La Sagootinayo

Barta bulshada ee WatsApp ee wax la iskugu diro ayaa lagu wadaa iney lacago kusoo rogto shirkadaha u adeegsada xiriirka dhanka shaqaalahooda, iyadoo barta u socota iney lacago farabadan ka sameyso mustaqbalka.

Bartan oo dadka adeegsadaan ay gaarayaan illaa 1bilyan oo qof ayaa ku dhawaaqday iney kusoo kordhinayso adeegyo cusub oo shirkadaha u saamaxaya iney farriimo toos ah ka helaan macaamiishooda iyaguna ay jawaab siin u sameeyaan.

Barnaamijyada cusub ayaa haddaba laga heli karaa si bilaash ah, laakiin sida ay sheegayso Sky News waxaa la filayaa in dhawaan adeegyadaasi ay noqdaan kuwo lacag ah oo shirkaduhu khidmado lacageed ay bixiyaan.

Shirkadda Facebook oo WatsApp-ka iibsatay sanadkii 2014 lacago gaarayay illaa 19 bilyan oo dolar, ayaa dooneysa iney ka sameyso lacago oo la helo waddo uu lacag ku dhalin karo adeegga WatsApp oo dadku siyaabo kala duwan u adeegsadaan kuna xiran yihiin.

Goobjoog News