U bood dhigaalka

Wax Badan Ka Ogaw Kulanka Horseed VS Muqdisho City Club

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Ciidanka xooda dalka ee Horseed ayaa wajhaysa dhigeeda Muqdisho City Club oo sanadkii lasoo dhaafay ay wada ciyaareen kama dambeysta tartanka kubbadda cagta Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse,inkastoo xidigaha M.C.C ay ku hanten Rigoorayaal,balse kulanka waa is aragoodii 2aad horyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedka 2018-2019.

Kooxda Horseed kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay guul 3-1 ka gaartay xidigaha Jazeer Sports Club,Horseed waxa ay fadhisaa kaalinta 2aad,iyadoo leh 23-dhibcood.

“Ka Horseed ahaan diyaar ayaan u nahay kulanka aan la ciyaareeno kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club aad baan isku naqanaa,balse labada dhinac waxaan farayaa in garoonka la yimaadaan ciyaar ku dheehan anshax midii guulaystana kan kale uu u hanbalyeeyo”waxaa Goobjoog Sports ciyaarta ka hor ugu waramay CabdiWali Ma’xed Max’ud (Cabdi Joon) oo ah layliyaha kooxda kubbadda Cagta Horseed.

Muqdisho City Club ciyaartii u danbeesay iyagana waxa ay guul 4-0 ka gaareen dhigeeda L.L.P Jeenyo,M.C.C waxa ay fadhiyaan kaalinta 5aad ee kala horeynta,iyagoo leh 17-dhibcood.

“Horseed kulankii hore way naga adkeen,balse iminka ciyaartooyda kooxdayda waa u diyaar kulanka muhiimka wixii kasoo baxa Natiijada ciyaarta diyaar ayaan u nahay,balse yoolkeena waa taageerayaasha usoo bandhigaan kubbadda aad u qurux badan” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay ciyaarta ka hor macallinka reer Uganda ee hogaamiyo kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Xuseen Mbalangu.

Is Aragii U Danbeeyay Labada Koox

26/02/2019      Mogadishu City Club 1:2       Horseed SC

30/03/2018      Mogadishu City Club 3:2       Horseed SC

26/01/2018      Horseed SC     1:0       Mogadishu City Club

13/03/2017      Horseed SC     0:3       Mogadishu City Club

04/02/2016      Horseed SC     0:0       Mogadishu City Club

29/04/2016      Mogadishu City Club 2:0       Horseed SC

22/02/2015      Horseed SC     0:2       Mogadishu City Club

24/05/2015      Mogadishu City Club 5:0       Horseed SC

08/06/2012      Mogadishu City Club 1:1       Horseed SC

30/09/2012      Horseed SC     0:2       Mogadishu City Club

Ogeysiiska Kulanka

Tartanka-Horyaalka Somalia Premier League

Kooxaha-Horseed VS Muqdisho City Club

Tariikhda-10-06-2019

Maalinta-Isniin

Saacada:-3:45pm

Cimiladda Xiliga Ciyaarta:-30° /26°C

Garoonka-Banaadir Stadium

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle