U bood dhigaalka

Wax Badan Ka Ogow Socdaalkii Kooxda Somali Stars Ee Soomaaliya 2019 

Sheeko:Cayaaraha

Wafdi ka koobnaa macallimiin,ciyaartooyda oo ka kala socday wadamada Yurub ayaa dalka u yimid ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho sanadii 2019 waxayna badankooda u aheyd kolkii kowaad ay caga imaadaan dhulkooda hooyo ee Soomaaliya.

17 December 2019-Wafida kooxda Som Stars  ayaa ka soo dagay garoonka Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana dhallinyarada iyo maamulkooda soo dhaweeyay madaxda ka socotay Gobolka Banaadir,iyagoo ugu mahad celiyay booqashooda imaatinka Soomaaliya.

18 December 2019-Dhallinyarada iyo wafdiga kooxda ayaa booqday tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho,iyagoo aad ugu faraxay markii ay gareen,dhallinyarada ayaa bogaadiyay howlaha dib u dhiska ee ka socda garoonka Stadium Muqdisho,iyagoo u u mahad celiyay Dowladda Soomaaliya.

19 December 2019-Kooxda Somali Stars UK ayaa kulan ciyaareedkoodii kowaad caasimada Muqdisho kula ciyaaray xidigaha naadiga ciidanka xooga dalka ee Horseed taageerayaal aad u badan ayaa kasoo qeyb galay kulankaa waxaana 1-0 ku badiyay xidigaha martida ahaa Somali Stars UK.

20-December 2019-Dhallinyarada iyo macallimiinta ayaa booqday goobaha dalxiisa ee magaalada,iyagoo waqti wanaagsan ku qaatay xeebta Liido ee degmada CabdiCasiis waxaana la kulanay qaar ka mid ah waxayna inoogu warbixiyeen dareenkooda ku aadan Liido Beach.

“Way la yaabeen quruxda iyo jawiga dagan ee Xeebta Liido,uma aysan haysan in ay halka ay joogaan ay tahay dhulkooda.,balse waxay ka qaateen qibarad aad u wanaagsan” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Cabdi Axmed Cabdulle oo ka mid ahaa maamulka kooxda Somali Stars Uk.

21-December 2019-Kooxda Heegan iyo xidigaha Somali Stars ayaa wada dheelay ciyaar aad u xiiso badan waxaana kulankaa 4-3 ku badiyay wiilasha naadiga ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan,waxaana ciyaartaa kasoo qeyb galay taageerayaal aad u badan.

23-December 2019-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhallinyarada iyo madaxda kooxda Somalia Stars ku qaabilay xafiiska duqa caasimada ahna guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish”,dhallinyarada ayaa kormeer ku maray xafiisyada kala duwan ee  Gobolka Banaadir,iyagoo bogaadiyay howlaha ka socda.

24-December 2019-Naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club iyo kooxda Somali Stars ayaa wada dheelay kulan ciyaareed aad u xiiso badan waxaana daawashada ciyaarta kasoo qeyb galay taageerayaal aad u badan,iyadoo kulanka uu ku dhamaaday barbaro 2-2.

25-December 2019-Dhallinyarada iyo macallimoontooda ayaa booqay xerada farsamada gacanta ee Xayle Bariise waxaana safarka kooxda qeyb ka ah labo wiil oo ka mid ah reer Xayle,iyagoo aad ugu farxay kolkii ay booqdeen Warshadooda iyo howlaha ay bulshada u hayso.

26-December 2019-Xidigaha Kooxda Somali Stars oo ka kala yimid wadamada UK,FInland,Sweden ayaa kulankii ugu danbeeyay caasimada xili habeen ah kula dheelay naadiga Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden waxayna aheyd ciyaar aad u xiiso badan,iyadoo Som United ay guusha ku qaateen 2-1 iyo koobka loogu dhigay macallimiiinta iyo ciyaartooyda Somali stars ayaa u hambaleeyay dhigooda Som United.

“Wuxuu inoo ahaa safar cajiib ah waxaan u mahad celinaynaa dadkii nagu soo dhaweeyay dhulkeenii hooyo iyo kooxihii kala duwanaa ee aan kula ciyaarnay magaalada Muqdisho,ani ahaan iyo qaar badan oo ka mid ah dhallinyarada waxay diyaar u yihiin in ay soo laabtaan sanadaha soo aadan” ayuu Goobjoog u sheegay macallin ku xigeenka kooxda Somali Stars Zakariye Cabdi Xasan.

28-December 2019-Waxaa soo idlaaday socdaalka dhul barasho is dhaxgalka bulshada iyo ciyaaraha saaxiibtinimo ay caasimada Muqdisho ku ciyaareen dhallinyarada qurbajoogta,iyagoo sheegay in aysan iloowidoonin waqtigii quruxda badnaa ay ku qaateen dalkooda hooyo waxayna balanqaadeen in ay joogteendoonaan sanad kasta.

Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan Safarka Kooxda Somali Stars 2019

 

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

[email protected]