U bood dhigaalka

Wax Garad Ku Baaqay In La Dhameystiro Heshiiskii Nabadda Ee Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in muhiim ay tahay dhammeystirka heshiiskii Nabadeed ee magaalada Gaalkacyo.

Waxa ay sheegeen waxgaradkan in nabadda ay tahay furaha nolosha, Gaalkacyo dadka degganna u baahan yihiin nabad sal adag leh.

Suldaan C/Casiis Beyle oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhameystiro heshiiska nabadeenta ee Magaalada Gaalkacyo, waxaa uu tilmaanay in dhameystirka heshiiskaas ay ku jirto danta dadka ku dhaqan gobolka Mududg.

“Waxaa aad iyo aad ugu baahan nabadeynta dadka Gaalkacyo oo dagaal soo noqnoqday uu ka jiro nabadeytsaa oo cid walba ay gashay kuna guuleysan weyday, in la dhameystiro heshiiskaas waa uu muhiim u yahay dadka degan halkaasi waxaana ku jira horumarkooda”.

Dhanka kale waxaa jira gobollo badan oo ay ka jiraan khilaafaad u dhaxeeya dad deegaannadaasi wada dega, wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay dhameystirka heshiiska nabadeynta ee magaalada Gaalkacyo.

“Go’aamn fiican oo wax tar leh ayaa ka socda dhameystirka heshiiska dib u heshiisiinta Gaalkacyo, waxaa rabaa In aan intaas ku daro Gaalkacyo dadkeeda deegaanka oo labada dhinac ah iyo labada maamul ee magaalada labada dhinac ka kala taliyo labadaba dadaal xoog leh ayay galiyeen in la helo nabad iyo dib u heshiisiin “.

Dhinaca kale Caaqil Gariig ayaa qaba in dowladda Soomaaliya dhammaan gobollada dalkaAy ka hirgaliso dib u heshiisiin si xal loogu helo khilaafaadka jira.

Gaalkacyo waxaa horay looga hirgaliyey heshiis nabadeed kaasi oo sababay in la sameeyo ciidamo isku dhaf kana wada tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntaland.

Goobjoog News