U bood dhigaalka

Wax garadka Gaalkacyo oo ka qeyb qaadanaya isu soo dhoweynta Puntland iyo Galmudug

Sheeko:Dalka
Magaalada Gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo

Wax garadka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in kaalin wanaagsan ay kaga jiraan sidii la isugu keeni lahaa maamullada Galmudug iyo Puntland.

Suldaan Cabdikariin Maxamuud Dagal oo ka mid ah wax garadkaasi oo la hadlay Goobjoog FM ayaa tilmaamay in hada wada hadallo laga dhex bilaabay Galmudug iyo Puntland isla markaana ay marayaan meel wanaagsan.

Wax garadka ayuu xusay in ay hormuud ka yihiin raadinta nabada Gaalkacyo iyo heshiiska labadaasi maamul.

Madaxwaynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa bilowgii todobaadkan ku dhawaaqay in uu qaaday xanibaadii saarneyd garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo maalmo aanan shaqeyn sababo la xiriira xurguf soo kala dhex gashay labada maamul.

Maamulka Puntland ayaa dhankooda sheegay in ay diyaar u yihiin in wada hadal lagu dhameeyo xiisada ka dhalatay garoonka diyaaradaha.

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa ka wada arrimiya koofurta iyo waqooyiga Gaalkacyo.