U bood dhigaalka

Wax Ka Baro Dalalka Ugu Badan Ee Caafimaadka Lacagta Ku Bixiya

Sheeko:Caafimaadka

Ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo hor-u-marinta ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay kaalinta 1aad uga jirto dowladaha qarashka badan ku bixiya dhanka caafimaadka.

Mareykanka ayaa waxaa uu ku bixiyaa caafimaadka qarash dhanย  17.2%ย  oo ah wax-soo-saarka gudaha.

Dowladda Switzerland ayaa iyadana waxay ku jirtaa kaalinta 2aad ee dowladaha ku bixiya caafimaadka dhaqaalaha badan.

Switzerland ayaa waxay ku bixisaa dhanka daryeelka caafimaadka lacag dhan 12.4% oo wax soo saarka gudaha ah.

Dowladda Jarmalka ayaa ku jirta kaalinta 3aad ee dowladaha ku bixiya caafimaadka miisaaniyad badan .

Jarmalka waxaa uu ku bixiyaa caafimaadka lacag gaareyso 11.3% oo wax soo saarka gudaha ee dalkaasi.

Dowladaha uu daqligooda uu dhexdhexaadka yahay waxay ku bixiyaan caafimaadka miisaaniyad dhan 9%.

Dowladaha Mareykanka Switzerland inkasta oo kaalimaha koowaad ay uga jiraan liiska dalalka ku bixiya lacago badan caafimaadka, hadana muwaadiniinta u dhalatay labadaan dal waxay ka cabanayaan in daryeelka caafimaadkooda ay ku bixiyaan qarashookda gaarka ah in ka badan inta uu Jarmalka uu ku bixiyo.

Warbixinta ayaa waxay sheegeysaa in adeegyada caafimaad ee laga helo gudaha Jarmalka ay ka fiicantahay marka lala bar-bardhigo in badan oo ka mid ah wadamada kale ee dunida.

Goobjoog News