U bood dhigaalka

Waa Kuma Garbaha Trump Ee Reince Priebus Iyo Bannon?

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha La doortay ee Mareykanka Dollanad Turmp waxaa uu Axaddii magacaabay labo nin oo la sheegayo in ay qaabeyn doonaan siyaasadda Mareykanka, afhayeenka madaxtooyada iyo madaxa Istaraatiijiyada, Magacaabistan ayaa isla markiiba dhalisay muran.

Reince Priebus:

Waa 44 jir ka soo jeeda New Jersey, waxaa madaxa  Republican National Committee, waxaa uu sidoo kale lataliye daacad ah u ahaa Dolland Trump intii ay  socotay ololaha doorashada dalka Mareykanka.

Xisbiga Jamhuuriga waa ay aamisan yihiin Reince Priebus halka Trump uu ugu yeeray  “superstar”  habeenkii guusha, waxaa uu sidoo kale  u magacaabay madaxa shaqaalaha aqalka cad.

Reince Priebus waxaa ay saxiibo yihiin Paul D. Ryan oo ah afhayeenka Congers-ka, iyadoo lagu wado in labada nin ay Trump ka caawiyaan arrimaha la xiriira sharciyada.

 Stephen K. Bannon:

Trump ayuu u noqonayaa madaxa istaraatiijiyadda iyo lataliyahiisa, waa 66 jir ah, cunsuri ah, waa ganacsade iyo madaxa Website-ka Breitbart News oo ku caan baxay u xaglinta Caddaanka, Naceybka Muslimiinta iyo Yuhuudda.

Ninkan sidaasi ah waxaa uu wax ka bartay ciidamada Badda, kadib waxaa uu Master ku saabsan Amniga qaranka ka qaatay Georgetown University, kadib waxaa uu galay Harvard Business School halkaas uu ka bartay Maalgeshiga iyo arrimaha Bangiyada.

Bannon oo qoyskiisa ay Dimoqoraadi yihiin ayaa lagu bartay  gadoodka, waxaa uu jeclaa in uu isbadal ku sameeyo xisbiga Jamhuuriga oo isaga ka tirsan yahay, waa nin xagjir ah, waxaa lagu eedeeyaa in uu jeclyahay Caddaanka iyo waxa loo yeero waddaniyadda Mareykanka.

Hadaba magacaabista Reince Priebus iyo Stephen K. Bannon waxaa ay buuq ka dhex dhalisay dalka Mareykanka, gaar ahaan ninka dambe oo la ogyahay naceybka uu u qabo xitaa haweenka.

Hadaba Goobjoog News, Kala soco, Trump iyo ragiisa, wixii ku soo kordha.