U bood dhigaalka

Wax Ka Baro Midowga iyo Qaaradda Afrika

Sheeko:Dalka

Midowga Afrika oo maanta ku shiraya Adis Ababa shir madaxeedkii 30aad, waa urur matala qaaradda Afrika, Soomaaliya waxaa ay ka mid aheyd dalalkii aasaasay, waxaa uu muhiim u yahay wada-jirka, nabadda iyo horumarka qaaradda Afrika. 

Midowga Africa( Afican Union): 

Ururka Midowga Afrika, waxa urur ay ku mideysan yihiin 55 dal, sanadkii 1963-dii waxaa marka hore la sameeyay ururkii Midnimada Africa ama OAU kasoo markii dambe 9-kii July 2002-dii lagu badalay AU, xarunta Ururkan waxay ku taala Magaalada Adis Ababa ee ee Caasimadda Ethopia.

Waxaa uu Ururka leeyahay gole dhaqaale, mid Amni iyo mid nabad ilaalin iyo gudiyo joogto ah, waxaa jiro urur goboleedyo sida: IGAD, ECOWAS, ururka Midowga Carabta Afrika iyo Ururka SIIN iyo ZAAS ee SAAXIL iyo SAXARAHA.

AMISOM, oo ah ciidamo ka how-gala nabad ilaalinta Soomaaliya waxaa iska leh midowga Afrika, waxaa sidoo kale ay ciidamo ka joogaan meelo kale oo qaaradda ah.

Qaaradda Afrika:

Culimda geology-ga waxay ku doodaan inay ku dheganeyd Asia, Bedkeedu waa: 30 Malayan KM 2 waa Qaaradda labaad xagga weyninka…Min Atlantic ilaa Indian Ocean, Badaha ku hareereysan sidoo kale waxaa ka mid ah Badda Cad iyo Badda Cas.

Afirica waa wadamo aad loo gumaytay dagaalkii 1aad ee dunida kadib, wadama gumaystay waxaa ka mid ah: Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska, Portugues-ka, Spain.

Africa muddadii u dhaxeysay 1884-1960, waxay u ahayd Xiliya madow oo Gumaysi ku jirtay…balse 1960-kii waxaa sanadkaas kaliya xuriyadda qaatay Afar iyo Toban Dowlad, sidoo kale wadamo  Lix ah ayaa xuriyadoodii helay 1966-dii dagaal la’aan……intaa wixii ka dambeeyay Africa waa xorowday.

Hoggaamiyaasha Taariikhiga ee Africa waxaa ka mid: Nelson Mandela (South Africa), ShakaZulu, Kwame Nkrumah(Gana), Jomo Kenyatta(Kenya), Jamaal Cabdi Nasir(Masar), Aadan Caddde(Somalia), Mohamed Ahmed Ben Bella(Algeria), Nnamdi Azikiwe(Nigeria), Idi Amin Dada(Uganda), Sedar Senghor (Senegol) ,Habib  Bourguiba(Tunisia), Muammar al-qaddafi(Libya)

Goobjoog News