U bood dhigaalka

Wax Ka Baro: Noocyada Kala Duwan Ee Gabood-fallada Haweenka Loo Geysto Iyo Waxa Ka Dhasha

Sheeko:Dalka

Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in sharciga la marsiin-doono sarkaal lagu eedeeyay in uu kufsaday gabar 16 jir ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland  Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey  oo arrintaasi ka hadlay waxaa uu sheegay in askari Cabdirisaq Warsame gacanta lagu hayo, sharcigana la marsiin-doono.

Warsame waxaa uu isku dayey in uu ka baxsado sharciga, waxaana laga soo qabtay Kismaayo, Jubbaland, arrintaas oo muujineysa sida mar walbo u dhacdo in dambiga lalal dhuunto.

Kiiska gabadhan 16 jirka ah, waxaa ay qeyb ka tahay dhibaato maalin walbo loo geysto haweenka Soomaaliyeed kuwaas oo aaney cidna ka fal-celin.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso: Noocyada Kala Duwan Ee Gabood-fallada Haweenka Loo Geysto Iyo Waxa Ka Dhasha

Dhibaatada ay haweenka la kulmaan waa kala duwan yihiin, waxaa ay ku xiran tahay deegaanka iyo qaabka ay wax u dhacayaan

Gabood-fallada ka dhanka ah dumarka waa mid jir ahaaneed, mid jinsi, caadifad ama nafsad ahaan iyo mid dhaqaale.

Dhibka ay haweenka kala kulmaan guryaha, kufsiga, anshax xumada lagula kaco iyo gaboodfalada ka dhanka ah dumarka ee jir ahaaneed, mid jinsi, caadifad waa qaar maalin walba haweenka ku dhaca.

Waxaa kale oo dalalka qaar ka dhacda in haweenka laga faa’ideysto, laga ganacsado, qaab fircooni ah loo gudo, xoog loogu guuriyo ama iyaga oo caruur ah nin lagu daro.

Dambiyada kale:

  • Dambiyada lagu galo magaca ilaalinta sharafta
  • Haweenka oo la dilo
  • Gabdhaha oo la duugo
  • Dhaqaalaha oo lagu gumeysto
  • Kuwooda da’a ah si xun loola dhaqmo
  • Meherka oo lagu dhibo

Sida ay qoreyso hey’adda WHO hal ka mid 3-dii dumar ah oo dunida ku nool waxaa ay la kulmaan jir-dil ay u geystaan ragga ay la nool yihiin.

Dunida: 38% dilka loo geysto haweenka waxaa u geysta rag ay u dhaxday ama xiriir hore kala dhaxeeyay

Dhibaatada haweenka loo geysto waxaa ay saameyn ku yeelan kartaa caafimaadkeeda, qaab fikirkeeda iyo xitaa dhalmada, waxaa kale oo ay khatar u gelin kartaa HIV-ga.

Waxyaabaha fududeeyo in haweenka la dhibo waxa ka mid ah:

In waxbarasho aan la geyn marka ay yar tahay, in yaraantii si xun loola dhaqmi jiray, in hooyadeed dili jirtay, in la sooci jiray ama ay arki jirtay iyada oo mar walba ahmiyadda la siiyo wiilasha reerka.

Qoyska:

Caruurta arka, waalidkooda oo dhibaato ka dhex-taagan tahay waxaa ay yeeshaan dabeecad xun, kumana fiicna la dhaqanka dadka.

Caruurta gurigaasi ku nool, waxaa ku bata jirro, hooyada waa ay soo tuurtaa ilamaha, ilmaha nool inta badan waxaa ku dhaco shuban iyo nafaqo-darro.

Bulshada:

Haweenka la jir-dilo, la kufsado ama si xun loola dhaqmo, waxaa ay ka go’aan bulshada, shaqada kuma fiicna ama maba shaqeyaan, wax dakhli ah sooma galo, bulshada iyo deegaanka ma caawin kartaan, haweeneydaasi si fiican xitaa uma daryeeli karto nafteeda iyo caruurteeda.

Goobjoog News