U bood dhigaalka

Wax Ka Baro Qeybaha Canshuuraha iyo Hababka Loo Qaado!!

Sheeko:Dalka

Dowlad walbo oo caalamka ah waxaa ay u  baahantahay in ay siyaadiso dakhliga soo galo,  waxayna arrintaas u leedahay awood sharciyeed, qaab ka mid ah qaababka ay ku kordhin kaarto dowaladu dakhliga soo galo waa canshuurta.

Canshuurtaas, ku waajibka ah muwaadinka iyo hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn, , waa ay qeybo badantahay, taasi oo aan qormadan uga hadli-doonno.

Qaybaha cashuurta

Cashuurta waxa bilawga hore loo kala qaybiyaa labo qaybood. Midi waa Cashuurta Berriga (Inland Revenue), tan kalena waa Cashuurta Kastammada (Custom Tax).

Canshuurta Berriga
Cashuurta Berriga waxa qaadda waaxda Cashuuraha Berriga, waxayna u kala baxdaa labo qaybood. Labadan qaybood waxa lagu saleeyey cidda culayska cashuurta qaadaysa ama ay ku danbaynayso.

Canshuur Toos ah (Direct Tax): noocani waa tan isla qofku bixinayo ama qaadayo culayska cashuurta ee aan cid kale u gudbayn. Waxa tan tuusale u ah cashuurta dakhliga qofka (personal income tax), cashuurta dakhliga hantida (property income tax), IWM.
Qaybtan waxa soo hoos gelaya saddex qaybood oo kale:
Cashuurta Dakhliga (Income Tax): cashuurtan waxa la saaraa dakhliga soo gala qofka muwaadinka ah.
Cashuurta la saaro faa’idada maalgelinta (capital gain tax): waa cashuur la saaro faa’idada qofku ka helo lacagta uu meel ku maalgashaday.
Cashuurta Dhaxalka (Inheritance tax): waa cashuur laga bixiyo hanta uu qofku dhaxlo.

Canshuur aan Toos ahayn (Indirect Tax: cashuurtani waa tan qof uu bixinayo balse culayskeedu ku dhacayo qof kale. Tusaale ahaan, cashuurta iibka (sales tax). Qofka dukaanka haysta ayaa marka uu badeecad soo iibsanayo cashuurta bixinaya, balse isna waxa uu saarayaa qofka alaabta ka gadanaya.
Qaybtan aan tooska ahayn ayaa iyana u sii kala baxda ilaa lix qaybood oo kala ah:
Cashuurta Diiwaangelinta (Registration tax): cashuurtan waxa la qaadaa marka shirkad ama qof uu samaynayo diiwaangelin nooc kastaba ha ahaatee, sida diiwaangelinta shirkad cusub, gaari, heshiisyo, kiro IWM.
Cashuurta Shaambadda (Stamp Tax): cashuurtani waxa ay la xiriirtaa dukumantiyada sharciga ah sida shirkad kala wareejin, kiro, liisan, caddayn guur IWM.
Cashuurta Waddo-marista (Road Tax): cashuurtan waxa laga qaadaa gawaarida iyo gaadiidka kale, waxana looga adeegsigooda waddooyinka waddanka.
Cashuurta Iibka (Salex Tax): Cashuurtan sida magaceeda ka muuqata waxa laga qaadaa alaabaha iyo adeegyada la gadayo.
Cashuurta laga qaado badeecado gaar ah (excise tax): cashuurtan waa mid loogu talagalay badeecado gaar ah sida sigaarka, qaadka, khamriga iyo wixii lamid ah. Cashuurtan badanka xaddigeedu waa uu sarreeyaa maaddaama oo badanka loogu talagalay in lagu yareeyo isticmaalka badeecooyinka lala beegsanayo.
Cashuurta Maxkamadaha (Courts fee): kiis kasta oo maxkamad la horkeeno waxa laga qaadaa cashuur loo yaqaanno Cashuurta Maxkamadaha.

Canshuurta Kastamada
Cashuurtani waa mid muhiim u ah dakhliga dawladda, waxana la saaraabaa alaabaha waddanka la keenayo iyo kuwa laga dhoofinayo labadaba. Cashuurtan waxa u xil-saaran Waaxda Kastamada.
Cashuurtan waxa loo qaybiyaa labo qaybood:
b) cashuurta dhoofinta (export tax): cashuurtan waxa la saaraa waxsoosaarka dalku uu u dhoofiyo dibedda sida khudaarta, kalluunka, xoolaha iyo badeecad kasta oo dibedda loo dhoofiyo.
t) cashuurta soo-dejinta (import tax): cashuurtan waxa lagaa qaadaa badeecadaha waddanka dibeddiisa laga keeno sida daawada, bagaashka, dharka, taleefoonnada iyo wax kasta oo waddanka dibeddiisa laga keeno.

Goobjoog News