U bood dhigaalka

Wax Ka Baro Taariikhda Degmada Boondheere

Sheeko:Dalka

Boondheere waa mid ka mida degmooyinka ugu faca weyn eek u yaalla caasimadda waxayna ka koobantahay afar waaxood oo kala ah Yuusuf Al-kownwyn, Siinay, Daljirka Daahsoon iyo nasiib buundo.

Waxaa ku yaalay safaaraddii Talyaaniga iyo Jarmalka oo markaasi kala ahaa bari iyo galbeed waana halka uu deganaa Kamaaludiin Saalax oo ahaa ergay ka socday qaramada midoobay una dhashay dalka Masar.

Masaajidda ku yaallo boondheere waxay ka badanyihiin goobaha waxbarasho ee ku yaallo degmada waxayna gaarayaan 16 Masjid hal ka mida haatan mashaqeeyo waxaa uuna ahaa kii ugu horreeyay ee laga dhiso degmada waana Masjidka Afleershe.

Iikar Miire Cabdulle reer Boondheere waxaa uu yiri “Masaajidka Afleyrshe waa Masjidka ugu horreeyay ee Boondheere dad noo dhisi lahaa hadaan heli laheyn in naloo dhiso ayaan jeclaan laheyn hadda waa baab’ahay”

Wasaaradaha arrimaha gudaha warshadaha, boostada iyo isgaarsiinta, waxbarashada iyo mida caafimaadka oo loo aqoon jiray Isbitaal Raaf ayaa ahaa  goobihii ay dadku u gali jireen safafka dhaadheer si ay u helaan adeeg dowladeed,hadaba side ayuu ku baxay magaca boondheere.

Zeynab Yuusuf Wehliye Guddoomiyaha Degmada Boondheere ayaa tiri “ Waxaa igu maqaalo ah inuu ku baxay magacaan Boondheere waxaa joogi jiray nin dheer oo kabaha sameeyo marka ninkii ayaa loogu magic daray ayaa la yiri”.

Degmada waxaa aay leedahay Iskuullo la yegleelay xiligii dowladdii dhexe oo ayna ku soo wax barteen dad badan oo reer boondheere ah waxayna ahaan jireen kuwo si bilaash ah wax looga baran jiray.

Muriidi Cadow Cabdulle reer Boondheere Waxaa ku yaalay degamada ilaa iyo todobo Iskuul waxaana ugu horreeyay Iskuulka Boondheere, Iskuulka Kacaanka, Iskuulka Sheekh Xasan Barsane, Iskuulka Yaasiin Cusmaan, Iskuulka Yuusuf Alkowneyn, Iskuulka wiil-waal iyo Iskuulka 12 October”.

Degmada Boondheere xarumaha Taariikhiga ah oo ay leedahay waxaa ka mida Dal-jirka Daahsoon,Xaawo-Taako,Matxafka qaranka masaajidka Afleyre iyo kobo kale.

Maxamed Cali Dhoore reer Boondheere Waxaan u sheegaa inay taaladaan ay tahay taalo taariikhiya oo lagu xusayo dadka ciidamadii ahaan jiray ee aan la aqoonsan markii ay geeriyoodeen “.

Boondheere waxaa ay leedahay hal-heysyo ay isticmaalaan dadka reer Boondheere una ah is afgarsho guud oo ay isku fahmaan .

Maxamed Ciise Koonaa