U bood dhigaalka

Wax Ka Baro Taariikhda Labada Murashax Ee Mareykanka: Hillary Clinton Iyo Donald Trump

Sheeko:Dalka

Dalka Mareykanka waxaa ka dhaceysa maanta doorashada madaxtinimada, tartan adag ayaa waxaa uu dhexmarayaa Hillary Diane Clinton Iyo Donald John Trump.

Hadaba waa Kuma labada murashax:

Dollad Trump:

 Donald John Trump waxaa uu ku dhashay Queens, New York, June 14, 1946, Yaraantiisii waxaa uu ahaa cunug dhib badan, waxaa loo diray Iskuul ciidan halkaas uu muddo ku jiray si uu anshaxa iyo edab u barto, waxaa uu dhaqaalaha ka bartay University of  Pennsylvania, isagoo ka qaatay 1968  degree xagga dhaqaalaha ah , kadib waxaa uu ku shaqo bilaabay lacagta aabihiis oo Bilyuuneer ahaa.

University of Scotland ayaa waxaa ay siisay honorary degree kadib markii sida ay sheegeen uu wax badan ka geystay ganacsiga, markii dambana waa lagala noqday. 

Nin Ceykee ah:

1990: Film-ka the Ghost Can’t Do It ayuu jalay, waxaa uu helay abaalmarinta atoore kaaliyaha ugu xun.

Waxaa uu qoray buugaan sida “The Art Of The Deal”, Trump: The Art of the Comeback”, “Trump 101: The Way to Success” , Trump: How to Get Rich”, The America We Deserve”  iyo buugaag kale.

January 2007 waxaa magaciisa lagu qoray goobta dadka caanka lagu qoro ee loo yaqaano Hollywood Walk of Fame

Waxaa uu martigeliyay ciyaaraha feerka ee loo yaqaano  WWF, waxaa lagu qabtay Trump Plaza, xitaa marar qaar waxaa lagu arkayey isagoo feertamaya ama galaya goobta lagu feertamo.

Muranno:

Sanadkii 2011, waxaa uu shaki geliyay in madaxweynaha Mareykanka Obama uu ku dhashay Mareykanka, in kasta oo Obama uu warqadda soo saaray April 2011 laakin waxaa ay ku qaadatay 6 sano in uu arrinkaas ka laabto.

Ganacsi:

Dollanad Trump waxaa uu leeyahay Hotello badan oo magaciisa xambaarsan Trump International Hotel & Tower , waxaa kaloo uu leeyahay 7 garoon oo lagu ciyaaro Gulf-ka, waxaa kaloo uu leeyahay Casino sida the Trump Plaza, Trump’s Castle iyo the Trump Taj Mahaganacsigiisa waxaa uu gaaray ilaa bariga dhexe, waxaa uu leeyahay ama uu shirko ku yahay ilaa 530  shirkad,  lacagtiisa waxaa lagu qiyaasaa $3.9 billion.

Qoyska:

Dollanad Trump waxaa uu guursaday 3 jeer:

Melania Trump         (22 January 2005 – Hadda) (1 cunug ayey u leedahay)

Marla Maples            (19 December 1993 – 8 June 1999) (waa furay) (1 cunug ayey u dhashay)

Ivana Trump  (9 April 1977 – 22 March 1992) (waa furay ) (3 caruur ah ayey u dhashay)

Dhanka Siyaasadda:

1987: Waxaa uu sheegay in uu u soo istaagyo madaxtinnimada Mareykanka

2000: Waxaa uu galay tartanka Madaxtinimada, isagoo sheegay in uu deymaha baab’in doono, isla markaana uu abuuri doono ganacsi xor ah.

2008: Waxaa uu aad u dhaliilay siyaasadaha Madaxweyne Obama isagoo markii dambe keenay sheekadii Obama in aanu ku dhalan Mareykanka.

2016: Xisbiga Jamhuuriga ayaa u doortay in uu noqdo ninka u tartamaya doorashada 2016-ka,

Hillary Clinton

Hillary Diane Clinton waxaa ay ku dhalatay Chicago, Illinois,  October 26, 1947, waxaa la dhashay labo wiil oo ka yar da’a ahaan.

Waxbarasho:

Clinton waxaa ay ka qalin jabisay Jaamacadda Yale Law School halkaas oo ay wada dhigan jireen iyada iyo Bill Clinton halkaas oo ay ka qalin jabisay 1973, waxaa kaloo ay diyaarisay Koorsooyin ku saabsan Caruurta oo ka qaadatay Yale Child Study Center.

Shaqo:

Clinton waxaa ay ka shaqeysay ololaha doorashada ee  Jimmiy Carter, waxaa ninkeeda loo magacaabay xeer ilaaliyaha qaranka iyo sidoo kale Governer

Mudadii ay gobolka ka aheyd haweneyda koobaad 1979-1981, 1983-1992, waxaa ay madax ka noqotay guddiga Arkansas Educational Standards, waxaa ay wax ka aasaastay Arkansas Advocates for Children and Families, waxaa kaloo ay madax ka noqotay Arkansas Children’s Hospital, Arkansas Legal Services iyo the Children’s Defense Fund.

Sanadkii 1988 ilaa  1991, The National Law Journal  waxaa uu u magacaabay mid ka mid ah 100 abuukaate ee ugu awoodda iyo saameynta badan Mareykanka

1993 ilaa 2001: Waxaa ay aheyd marwada koobaad ee Mareykanka, iyadoo wax badan ka qabatay arrimha caruurta iyo haweenka.

2001-2009: Waxaa ay Senate-ka Mareykanka ku biirtay 2001, waxaa ay noqotay marwadii koobaad ee shaqo noocaas ah qabata middii ugu horeysay, Senet-ka waxaa ay ka soo gashay New York.

2009: Waxaa loo magacabaagay Xogheyaha arrimaha dibadda Mareykanka ee 67aad, jagadaas oo ay heysay ilaa 2013-kii.

2016: Waxaa ay noqotay murashaxa Dimoqoraadiga, waa markii ugu horeysay taariikhda Mareykanka oo xisbi weyn oo haweeney sidaa u magacaabo.

Qoys:

Hillary Rodham waxaa ay guursatay Bill Clinton October 11, 1975,  Gabdhooda  Chelsea Victoria waxaa ay dhalatay  February 27, 1980-kii.

Eedeyn:

Waxaa lagu eedeyay hogaan xumo kadib markii la dilay safiirkii Mareykanka ee Bangazi, isaga iyo 3 kale ayaa la dilay September 11, 2012-kii.

Fadeexadda Emaillada:

May sanadkii hore waxaa lagu eedeeyay in ay isticmaashay Emaillkeeda gaarka ah arrimo al xiriira shaqada wasiirka arrimaha dibadda, baaritaanka waxaa sameeyay FBI-da, dambi waa lagu waayey, Clinton waxaa ay qiratay in Emailkeeda ay warbixino ka dirtay taas oo ay raaligelin ka bixisay.

July 22, 2016 waxaa ay madaxweyne ku xigeen u dooratay Tim Kaine, Bishii July 25-28, waxaa Philadelphia lagu qabtay shirkii Dimoqoraadiga iyagoo Clinton u magacaabay qofka u tartami doona 2016-ka.