U bood dhigaalka

Wax Ka Baro Taariikhda Murashaxiinta Madaxtinnimada Ee Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Doorashada madaxtinnimada dowlad goboleedka koonfur galbeed oo dhaceysa 5-ta bisha soo socota, waxaa isugu soo haray 6 murashax oo kala ah: Xuseen Cusmaan Xuseen, Cabdi Casis Xasan Maxamed(Lafta-Green), Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur, Ibraahim Macalin Nuur, Ambassador Sayid Axmed iyo Aadan Saran Soor.

Xildhibaannada koonfur galbeed tiro ahaan waa 149, 6-dan murashax waxaa ay raadinayaan kalsoonida xildhibaannadaas, waxaana kala xulashada qeyb ka noqon-doonta ajendaha mid weliba uu wato iyo taageerada uu ka heysto gobolka.

Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa taariikhda raggaas iyo qof walba inta laga yaqaanno:

1. Xuseen Cusmaan Xuseen:  Ajendihiisa iyo sababta uu u tarmayo weli kama hadlin, laakin waaxaa uu ahaa taliye iyo wasiir aad ugu dhow xukuumadda Federaalka ah.

Waxaa khibraddiisa shaqo ka mid ahaa: Taliyaha NISA(2018), wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka(2017-2018), Xildhibaan golaha shacabka ah(2004-2016), wasiir ku-xigeenka wasaaradda beeraha(2006-2007), wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga(2004).

 2. Cabdi Casis Xasan Maxamed(Lafta-Green),  Waxaa lagu tiriyaa murashaxa xukuumadda federaalka ah, isaga oo iska casilay jago muhiim ah.

Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta.

Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda.

3. Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur:  Sheekh Roobow Abuu Mansuur, waxaa uu reer Baydhabo u sheegay in ajendihiisa ugu weyn uu yahay amniga iyo inuu gobolkaas ka saari-doono Al-shabaab.

Sheekh Mukhtaar, waxaa uu ka baxay xarakada Al-shabaab, dowladda federaalkana isku dhiibay August 2018-kii, xilligaas waxaa uu ahaa guddoomiye ku xigeenka xarakada Al-shabaab, waxaa uu ku jiraa aasaasayaashii Xarakada.

Inta aan loo magacaabin Guddoomiye ku-xigeenka Xarakada Al-shabaab, waxaa uu muddo ahaa afhayeenka Al-shabaab, dalka Mareykanka ayaa bishii June 6, 2012-kii ku daray liis la dul dhigay lacag, iyaga oo madaxiisa dul dhigay $5 Milyan.

Tillaabada Mareykanka kadib, Abuu Mansuur Roobow oo ka hadlayey masjid uu salaadda jincaha ku tukaday oo ku yaalo Buur-hakaba waxaa uu sheegay in aanu iska qari doonin Mareyaknaka, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Aw Mareykanka aniga waxaa jooga Buurhakaba, Masaajidka ayaa salaadii jimcaha ku dukaday, jimcihii hore waxaa ku dukaday Tiyeeglow”.

Bilowgii Xarakada,  Mukhtaar waxaa la sheegaa in Xudur iyo gobollo badan oo Koonfurta Soomaaliya ah uu ka sameeyay xerooyin dadka lagu tababaro, waxaa kale uu isaga ka mid ahaa koox tababar ku soo qaadatay dalka Afgaanistaan.

Mukhtaar Robow waxaa ay isku dhaceen madaxii Al-shabaab Axmed Godane taasi oo keentay in lagu weeraro guri uu ka deganaa degmada Baraawe kadibna uu u baxsaday gobollada Bay iyo Bakool.

3dii sano ee ugu dambeysay, inta aanu isku soo dhiibin dowladda,  waxaa hayey maleeshiyaad beeshiisa ah, waxaana sidoo kale muuqata in uu wada hadal la galay maamulka Koonfur Galbeed iyo dalka Mareykanka, tilaabadan looga laabtay lacagta la dul dhigay waxaa ay soo dedeji kartaa in uu dowladda federaalka ah isku dhiibo.

4. Ibraahim Macalin Nuur: Ma aha shakhsi siyaasadda lagu yaqaan, waa Sama fale, waxaa uu wax uu dhisay Isbitaalka Bay-how ee magaalada Baydhabo, hadda waa murashax u tartamaya madaxtinnimada koonfur galbeed.

5. Ambassador Sayid Axmed: Muddo dheer ayuu safiir ahaa, waxaa uu soo noqday safiirka Soomaaliya u fadhiyey dalalka Tanzania iyo Uganda, iyo xildhibaan golaha shacabka ah, hadda waa murashax u tartamaya madaxtinnimada koonfur galbeed.

6, Aadan Saran Soor:  Waxaa uu ka mud ahaa hoggaamiye kooxeedyadii hore, khibraddiisa shaqo waxaa ka mid ahaa: Xildhibaan(2010), wasiirka ganacsiga iyo warshadaha (2015), kooxdii ARS( 2007-2009), wuxuu aad u diidanaa dowladdii Cabdullahi Yusuf, oo marar badan isku dhaceen Aaden Madoobe, dhismaha dowladda Cabdullahi Yusuf ka hor wuxuu ka mid ahaa guddiga fulinta ee jbahaddii RRA.

Goobjoog News