U bood dhigaalka

Wax Ka Baro Tuka-raq, Dad iyo Deegaan

Sheeko:Dalka

Deegaanka Tuka-raq oo ka tirsan gobolka Sool, waxaa labadii bil ee la soo dhaafay ka jiray xasarad dagaal oo u dhaxeysa maamullada Somaliland iyo Puntland, labada ciidan ayaa is hor-fadhiya, waxaana dhacaya rasaas si joogta ah loo maqlayo, hadalka labada dhinac ka soo baxayana waa “khudbado kicin ah”

Tuka-raq hadda  illaa Janaayo 8, 2018,  waxaa gacanta ku hayey Somaliland, Puntland waxaa ay u jirtaa 14 KM oo keliya, oo mararka qaar labada ciidan waa isu muuqdaan, dadkii deganaa,  waxaa ay u qaxeen meelo ka fog dagaalka iyo magaalada, mana muuqato sabab ay ku soo noqon karaan mar haddii labada dhinac dhawaqa rasaasta, dhiillada iyo hub aruursiga uu ka sareeyo midka nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Odoyaal deegaanka ah oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegayaan in markii hore uu jiray heshiis qarsoodi ah oo ay gaareen Somaliland iyo Puntland oo ku saabsanaa xad u dhaxeeya, tiina hal dhinac ayaa ka baxay oo Tukaraq soo galay, arrintaas oo horseeday xiisadda hadda jirta.

Tukaraq Halkee Ku Taal:

Tuka-raq waxaa ay ka tirsantahay Sool, waddada u dhaxeysa Garoowe iyo Laas-caanood, waxaa ay ku taallaa dhul istaraatiiji ah, Laan-caanood waxaa ay u jirtaa 52 KM, Garoowe: 80 KM, Taleex 125 KM, Boocame: 30 KM, Xudun: 190, Godaale: 100 Km, magaalooyinkaas aan sheegnay jidad ka baxo ayaa toos Tukaraq u tago.

Tiro ahaan dadka deganaa dagaallada ka hor qiyaas ahaan waa 50 kun oo qof, waxaa hareeraha uga yaallo deegaannao shidaalka lagu tuhmayo sida  Ceelkii shidaalka ee Hol-hol oo 60 KM u jira.

Tuka-raq waa 3 KM2, dusgi sare ma lahan oo hadda ayaa la dhisayaa, dadka deegaanka waxaa ay waxbarasho u aadaan meelo fog-fog, malahan Isbitaal iyo goobo caafimaad, waxaan intaas u dheer abaartii ayaa dadka ka baabi’isay xoolihii iyo beerihii yaraa ee ay lahaayeen.

Dadka deegaanka waxaa ay ka sheeganayaa dhibaatooyin banii’aadnimo oo horay u jiray in ay ugu darsantay qax iyo dagaallo halkaasi ka soo cosboonaaday.

Hadaba, dadkaasi aan heysan nolol, maamul iyo adeeg bulsho sidee ugu dul-qaadan karaan dagaal?

Sow ma aheen in laga fakiro sidii loogu heli lahaa adeeg waxbarasho, mid caafimaad iyo sidii ay abaarta ugu adkeysan lahaayeen?

Dagaalkan Somaliland iyo Puntland, miyaanu aheyn dhibaato mid kale lagu daray, Yaase mas’uul ka ah waxa dhacaya?

Aawey kaalintii odoyaasha dhaqanka, yaase u maqan dadkaasi?

Goobjoog News