U bood dhigaalka

Wax Ka Ogaw Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Bisha Febraayo Iyo Ciyaaraha Dalka

Sheeko:Cayaaraha

sida caadiga warbhaainta Goobjoog waxa ay marwalbo idin soo gudbisaa dhacdooyinka kala duwan ee wadanka gaar ahaan isboortiga Soomaaliya,bishii lasoo dhaafay Febraayo 2019 waxaa dhacay dhacdooyinka kala gedisan waxaana warbixinta soo aruuriyay wariyaha ciyaaraha Goobjoog Maxamed Xuseen Qalinle.

01-Febraayo 2019-Tartanka isreeb reebka horyalka kooxaha Jubbaland ayaa waxaa ciyaaray kooxaha Heegan iyo Guulwade waxaana kulankaa 3-2 ku adkaaday xidigaha kooxda Heegan,iyagoo sidaas uga soo gudbay horyaalka heerka 1-aad ee kooxaha Jubaland.

02-02-2019-Akram Cafiif ayaa xulka kubadda cagta dalka Qatar kula guulaystay Koobka Qaramada Asia Akram ayaa ahaa laacibka ugu wanaagsan xulka qaranka Qatar, isaga oo baasay 11 ka mid ah 19-ka gool ee xulkaas ay ka dhaliyeen koobka oo ka dhacay wadanka Imaaraadka Carabta laacib Akram waxaa dhalay Xasan Cafif Yaxya oo ka mid ahaa ciyaartooydii xulka Qaranka Soomaaliya inta u dhaxeysay 1972-ki ilaa 1980-ki.

02-Febraayo 2019-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa ka qayb galay daawashada ciyaar ka tirsaneyd tartanka dugsiyada sare ee Galkacyo madaxweye Xaaf ayaa sheegay in maamulkiisa uu gacan weyn ka geesandoono horomarinta ciyaaraha iyo dhimsaha garoomada deegaanka.

03-Febraayo 2019Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ka mid ah garsoorayaasha heerka caalami ee kubbadda cagta Soomaaliya ahna guddoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in mustaqbalka adeega Var laga isticmaalidoono Soomaaliya faa’idana uu u yahay kooxaha kubbadda cagta ee ka dhisan dalka.

04-Febraayo 2019-DR.Yuusuf Muxidiin Axmed oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah ayaa loo magacaabay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta wuxuun booskaas ka badalay Xasan Maxamuud Xasan (Xasan Farey) DR.Yuusuf ayaa madaxda xiriirka kubbadda cagta uga mahad celiyay halka ay soo gaarsiiyeen kubbadda cagta Soomaaliya.

5-Febraayo 2019-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa balan qaaday in la horomarindoono isboortiga Jubaland wuxuuna hadalkan ka sheegay mar uu u soo daawasho tagay ciyaar ka socday garoonka kubbadda cagta Waamo ee magaalada Kismaayo.

06-Febraayo 2019-Macalimiinta xulka qaranka Soomaaliya ayaa Xassan Maxamed Aadan (Xasan Santos) oo ka tirsan kooxda dowaladda hoose ee Muqdisho City Club uga wacay in uu ciyaaro xulka qaranka waxayna u aheyd markii horeesay oo looga yeeray waajibaadka Xulka Ocean Stars.

07-Febraayo 2019- Xiriirka kubbadda cagta Jubaland ayaa soo soo saaray kooxaha u soo gudbay horyaalka heerka 1aad & 2aad waxaana heerka 1-aad usoo gudbay kooxaha kala ah Dowladda Hoose, JBC,Himilo,Heegan iyo Dekedda, halka horyaalka heerka 2-aad ay iyagana usoo gudbeen naadiyada kala ah Majaango, Guulwade, Gaadiidka, Koban iyo kooxda Kaneefa.

08-Febraayo 2019-Tartanka orodka dheer ee Somaliland ayaa sannadkii labaad lagu qabtay magaalada Hargeysa waxaana oradka 42km ku guulaystay oradyahan Cusmaan Cilmi Sheekh oo ka socday gobolka Owdal tiro ahaan waxaana ka qeyb gashay ilaa 200 oo oradyahan.

08-02-2019-Xasan Aadan Yabarow Wiish ayaa loo magacaabay guddomiyaha guddiga Garsoorayaasha Soomaaliya,isagoo sidoo kale ah guddomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir.

09-02-2019-Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Wiish ayaa furay garoonka kubadda cagta degmada Deyniile Guddoomiye Wiish ayaa mamulka degmada uga mahad celiyay dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta ciyaaraha,iyagoo sidoo kale dhistay garoonka kubadda kolaga .

10-02-2019-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland u magacaabay Jaamac Faarax Muuse bahda isboortiga Puntland ayaa heegay in wasiirkooda ka sugayaan horomarinta iyo kor u qaadida isboortiga deeganaada Puntland.

11-02-2019-Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Maamul Goboleedka Hirshabeele Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Cabdiqani Jeenyo) ayaa ka qeyb galay dhagax dhig loo soo maynay degmada buula burde ee gobolka Hiraan waxaana mashruucaas qeyb ka ahaa dhismaha garoonka kubbadda cagta degmada.

13-02-2019-Madaxweynaha dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed u magacaabay Cali Dhuux Maxamed saaxiibada iyo bahda isboortiga ayaa aad u soo dhaweeyay xilka loo magacaabay Cali Dhuux,iyagoo kula dardaarmay in uu la yimaado qorshayaal cad oo lagu horomarinayo isboortiga Koonfur Galbeed.

14-Febraayo 2019-DR.Yuusuf Muxidiin ayaa xilka xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda kala wareegay Xasan Maxamuud Xasan (Xasan Farey) oo 30-kii sano lasoo dhaafay ku soo jiray ka shaqeynta kubbadda cagta saaxiibada DR Yuusuf ayaa soo dhaweeyay xilka loo magacaabay,iyagoo u rajeeyay in uu la yimaado wax qabad wanaagsan.

15-Febraayo -2019- Maxamed Yusuuf oo ka mid ahaa ciyaartooydii ciyaartay xulka qaranka kubbadda kolayga ayaa dhameysatay jamaacada heerka labaad ee Master Degree.

 

 

16-Febraayo 2018- Tartanka Dugsiyada Sare ee Gaalkacyo ayaa la soo gabagabeeyay wuxuuna u jeedka tartankaas ahaa sidii dhaqaalaha kasoo xarooda loogu dari lahaa dhismaha garoonka Cabdulaahi Ciise ee Magaalada Gaalkacyo.

16-Febraayo 2019-Sayid Cali Kuukay oo u soo dheelay xulka qaranka kubbadda cagta,kolayga iyo gacanta ayaa ku guulaystay abaal marinta shaqsigii ugu wanaagsanaa isboortiga Soomaaliya wuxuuna  aaal marinta gudoonsiiyay ururka Somali Youth Award.

17-Febraayo 2019-Daafaca Kooxda Jeenyo Cabdiraxmaan Tahliil Cali ayaa qaliin loogu sameeyay caasimada Muqdisho waxaana qaliinka sameeyay dhaqaatiir kasoo jeeda wadanka Hindiya Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in dhawaan kusoo laabandoono kooxdiisa.

18-Febraayo 2019-Wasiirka Wasaarada ciyaaraha Hirshabelle Cabdi Qani Cabdulahi Hilowle ayaa ka qeybgalay howl lagu nadiifinayay garoonka kubbada koleyga ee magaalada Jowhar kaas oo sanadihii la soo dhaafay aan lagu ciyaarin tartamada kubbada kolayga.

19-Febraayo 2019-Kooxda Gaadiidka ayaa warhaainta u soo bandhigtay ciyaaryahan Amiin Axmed Saalax oo kasoo jeeda dalka Yemen,isagoo noqonaya xidigihiiugu horeeyay oo carab ah ka dheela horyaalka Soomaaliya.

20-Febraayo 2019-Tababaraha Kooxda Dekedda Yuusuf Cali (Yuu-Cali) ayaa sheegay in Sanadkii Saddexaad ay kooxdiisa Dekedda ku rajo hami weyntahay hanashada horyaalka Soomaaliya.

21-Febraayo 2019-Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Aadan Yabarow Wiish ayaa daah furayay garoonka kubadda kolayga degmada Yaaqshiid wuxuuna shacabka iyo maamulka ugu mahad celiyay isku tashiga ay sameeyeen.

23-Febraayo 2019- Degmada Shibis ayaa ku guulaysatay koobka lagu maamusayay waxqabadka sanad guuradii ee ka soo wareegtay markii oo xafiiska la wareegay guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow).

24-Febraayo 2018- Cabdi Wali Colaad Gaatamow oo ka mid ah macalimiinta farsamada goolhayaasha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa ku soo laabtay caasimada Muqdisho,isagoo Kismaayo mudo todobaad ku bixinayo cashar ku aadan ko u qaadida goolhayaasha kooxaha kubbadda cagta Jubaland.

25-Febraayo 2019-Guddomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab oo kormeeray dhismo ka socda garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan ayaa waxa uu sheegay markii ay dhamaato howshan ay xiriirka garoonka waamo ee Kismaayo ay isagana ay ku sameyndoonaan dib dhismo weyn wuxuuna intaa ku daray in xiriirka uu sanadaha soo aadan xooga saaridoono horomarinta gobolada oo idil.

26-Febraayo 2019- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa agab Isboorti gaarsiiyay xarunta barbaarinta caruurta ciidan Booliska Soomaaliyeed waxayna sheegeyn in gacan weyn ka geesandoonaa horomarintooda.

27-Febraayo 2019-Guddomiye kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada facebook waxa uu ku sheegay in ay is dajiyaan taageerayaasha kooxda wax walbano ay kusoo laabandoonaan sidii horay loogu bartay xirfadlayaasha Muqdisho City Club.

28-Febraayo 2019-Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo howlo shaqo u joogay Magaalada Dox ee dalka qadar waxa uu kula kulmay Ciyaartooydii Soomaaliya ee Bashiir Fox iyo Xasan Cafiif,Madaxweyne Farmaahi waxa uu Xasan Cafif waxa uu isaga wiilkiisa Akram Cafiif uga Mahad celiyay sharfta ay u soo hoyeen magac Soomaaliya maadam Akram horantii Febraayo xulka Qatar kula guulaystay koobka qaramada Aasia.

Halkan Ka Daawo Muuqaal Soo Koobaya Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Bisha Febraayo 2019 

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2439082272776628/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Email[email protected]