U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow 5-ta Kursi ee Doorashada Somaliland

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka dadban ee gobolada Waqooyi ee Somalilnd ayaa shaaciyey qabashada doorashada 5 kursi, kuwaas oo kamid noqonay Baaramaanka 11-aad ee Jamhuuridda federalka ah ee Soomaaliya oo heer gababa ah mareysa.

Kuraasta lagu wado in la doorto ayaa waxaa tirsigoodu kala yahay HOP#241,  HOP#240, HOP#205, HOP#271 iyo HOP#263, kuwaas oo deegaan doorashadoodu ay tahay gobolada Waqooyi ee Somalillnd, waxaana lagu dooran doonaa  Muqdisho.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#205  waxaa afartiisano ee tagtay ku fadhisay xidhibaan Sahra Cabduqaalir Cabdiraxmaan, kamid aheyd Baarlamaanka 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomalaiya.

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#240  waxaa afartii sano ee tagtay ku fadhisay xildhibaan Suuri Diiriye Carab, taas oo qeyb ka aheyd Baarlamaankii 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya.

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#241 ayaa waxaa  afartiisano ee nadhaaftay uu ku fadhiyey xildhibaan Cabdirisaaq Daahir Maxamuud, kaas oo qeyb ka ahaa Baarlamaankii 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya.

4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#263 waxaa afartiisano xildhibaan  Muuse Ciid Jaanac, kaas oo ka mid ahaa xildhibannadii Baarlaamaankii 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomalaiya.

5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#271 waxaa afartii sano ee tagatay ku fadhiyey xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye, kaas oo qeyb ka ahaa Baarlamaankii 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya.

Doorashada kuraastaan ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta barri ah ay doorashadoodu ka dhacdo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana deegaan doorashadoodu ay tahay gobolada Waqooyi ee Somaliland.