U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow App-ka Ugu Badan Ee Internet-ka Lagala Soo Dego 2018

Application-ka Adduunka qabsaday oo dadku ay aad ula soo dagayaan sanadkan maaha mid horey caan u ahaa ama ay dadku aad u yaqaneen.

Warbixin ay soo saartay shirkadda cilmi-baarista Mareykanka ee “Sense Tower” ayaa lagu sheegay in Shabakadda “Douyin” ee Barta-Bushada ee Shiinaha ee ku takhasustay dhanka music-ga dunida inteeda kala looga yaqanno “Tik Tok” ay noqday app-keeda mid ugu badan ee lagala soo dego nidaamka iOS Saddexdii bilood ee ugu horreysa sanadka 2018.

Sida uu sheegay website-ka “Quartz” ee dhanka teknolojiyada ku takhasusay app-kan ayaa ka sare maray marka la eego WhatsApp tirada jeer ee lala soo degay.

Sanadkan inta jeer ee Tik Tok lala soo degay ayaa waxa uu gaarayaa ilaa 45-milyan oo jeer dhammaan daafaha kala duwan ee dunida muddo 3-bilood ah gudaheed.

Tik Tok waa Bar-bulsho oo music-ga ku takhasustay, waxaa suuqa lasoo geliyay September 2016, qof isticmaalaa waxa uu 15 ilbiriqsi ku abuuran karaa sawir selfie ah oo music leh oo effect kala duwan lagu sameeyay.

 

Goobjoog News