U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow Barnaamijka “OGAAL” Ee Telefeshinka Goobjoog, Caawa Ayuu Bilaaban

Sheeko:Dalka

Waxaa caawa Telefishinka Goobjoog ka bilaabanaya barnaamij loogu magacdaray “OGAAL”, barnaamijkan uu daadihin-doono Prof.  Cabdullahi Maxamed  Shirwac ayaa dadka Soomaaliyeed lagu bari-doonaa xuquuqdooda iyo dowladnimadda.  Barnaamijkan oo noociisa ah waxaa uu sidoo kale ka bixi-doonnaa dhammaan qeybaha kala duwan ee Goobjoog Media Group.

Marka laga soo tago daadihaya oo khabiir ah, kana tirsan bulshada rayidka waxaa barnaamijka marti u noqon-doona haldoorka umadda Soomaaliyeed, kuwaas oo qeyb ka noqon-doono xal u helista arrimaha looga hadlayo.

Ujeedada barnaamijkan oo ah sida aan sheegnay barashada dowladnimada ayaa sidoo kale umadda loo faahfaahin-doonaa sidii ay uga wada noolaan lahaayeen is ixitraam iyo walaaltinimo, barashada sharciga dalkaan u yaala iyo in dadka xalistaan khilaafyada iyo muranada soo wajaho.

Dowladnimada Soomaaliya, oo laga soo maray dhib badan oo ay dad badana u dhinteen, qaarkoodna ay xabsi u galeen, dadka kalana ku hantibeeleen isla markaasna loo soo dagaalamay qarniyaal kala duwan taasi ayaan keeneysa muhiimadda ay leedahay barashada dowladnimada Soomaaliya waqtigan madaama ay muhiim u tahay in dadka soomaaliyeed isku xirmaan.

Barnaamijkan ayaa waxaa lagu baran doonaa xaquuqda uu muwaadinka Soomaaliyeed ku leeyahay dowladnimadda Soomaaliya iyo waajibaadka lagu leeyahay, xaqa siyaasiga lagu leeyahay iyo waxa uu isaga leeyahay taasi oo ay dadku waqtigan si fiican u fahamsaneyn dowladdnimada madaama haddana dadku ay aad u jecelyihiin dowladnimadda, iyaddoo dowladdnimadana ay tahay heshiis bulsho dhexmaray.

Barnaamijkan ayaa xoogga saari doono noocyada iyo heerarka kala duwan, oo ay dowladnimo leedahay iyo sidoo kala noocyada dowladnimada Soomaaliya soo maray tan iyo 1960-kii, oo ay ka mid aheyd tii Kalitalisnimada(Dictatorship) tii SHUUCIYADA iyo sidoo kala noocyada dowladnimada kala ee jirta Dunida.

Barnaamijkan ayaa waxaa lagu lafaguri doonaan arrimaha dastuurka Soomaaliya iyo ku dhaqanka dimiqoraadiyada iyo fahamka dowladdnimada Soomaaliya, oo ay dadku wax badan ka faa’iidi doonaan.

Sidoo kala barnaamijkan ayaa xoogga lagu saari doonaa nooca dowladdnimo ee Soomaaliya u baahantahay iyo sida uu uga shaqeyn karo dalka, iyaddoo Soomaalida la ogyahay in ay yihiin dad reer guuraa ah.

Barnaamijkan ayaa xooga saari doono barashada dowladnimada Soomaaliya iyaddoo isla markaasna uu ka bixi doono Televisionka Goobjoog todobaadkiiba hal mar gaar ahaan khamiis kasta saacadu marka ay tahay 9ka fiidnimo, waxaana lagu soo celin-doonaa maamlmo iyo saacado kala duwan.

Haddaba, Barnaamijka “OGAAL” daawo caawa 9:00 fiidnimo, una sheeg asxaabtaada.

Goobjoog News