U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow Faa’idooyinka Caafimaad Ee Laga Helo Qaraha

Sheeko:Caafimaadka

Qaruhu waxa uu ka mid yahay fruitka inoo soo go’a xilliga xagaaga ah, waxaa lagu yaqaannaa dhadhan wanaagsan iyo midab qurxoon, sidaa darteed dadka oo dhani wey jecelyihiin, waxaa ku jira faytamiinno badan iyo dheer muhiim ah oo caafimaadka jirka aan looga maarmin.

Sida uu qortay website-ka “Healthy“, Qaruhu ama Xabxabka faa’iidooyin badan ayaa laga helaa waxaa ka mid ah:

Faa’iidooyinka Qaraha ee Jirka Guud Ahaan, Haragga sare iyo Timaha

1- Qaraha waxaa laga helaa maadada Collagen oo ka qeybqaadata xoojinta caafimaadka jirka, wey ifisaa, waxeyna ka ilaalisaa caalamadaha duqnimada.

2- Waxaa ku jira biyo badan, waxaana hooseeyay calories-ka uu leeyahay, sidaa darteed waxa laga helaa firfircooni, baruurtana waa lagu jaraa.

3- Jirka waxa uu ka ilaaliyaa cudurrada kansarka ee kala duwan, sida; kansarka sambabha, kan naasaha iyo kan prostate-ka ah.

4- Jirka waxa uu ka ilaaliyaa xanuunnada wadnaha, istaroogga, sidaa darteed; faytamiinka faraha badan ee ku jira iyo nacfiga cunno ee uu leeyahay, waxey muhiim u tahay wadnaha iyo jirka.

5- Caafimaadka indhaha iyo sambabaha ayuu u roon yahay, nacfiga iyo faytaminnada lagama maarmaanka ah ee caafimaadka indhaha u roon ayaa laga helaa.

6- Waxa uu kaalin weyn ka ciyaaraa xoojinta raganimada iyo awoodda bacraminta qofkana.

7- Biyaha iyo sonkorta ku jirtay Qaraha heerka sonkorta jirka ayey xakmeeyaan,sidaa darteed; bukaanka macaanka/sonkorowga qaba waxaa lagula taliyaa iney mar kasta oo ay u suuraggasho ay isticmaalaan.

8- Habdhiska dheefshiidka ayuu xoojiyaa, dhibaatooyinka caloosha ee caloolmajiirku uu ka mid yahay qofka wuu ka ilaaliyaa.

9- Caafimaadka beerka iyo kalyahay ayuu u roon yahay, waxa uu ka ilaaliyaa iney howlgab noqdaan ama cudurrada kansarku ay ku dhacaan.

10- Qaraha waxaa ku jira dheef muhiim ah oo dhiigkarta lagu dajiyo.

11- Waxa uu xoojiyaa caafimaadka iyo koritaanka timaha, caabuqana wuu ka ilaaliyaa.

12- Caafimaadka lafaha ayaa lagu xoojiyaa, waxa uuna ka ilaaliyaa lafo-jileeca iyo caabuuqyada kala duwan ee ku dhaca.

Goobjoog News