U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow, Heerka uu Gaaray Xiriirka Ganacsi Ee Soomaaliya iyo Pakistaan

Sheeko:Dalka

Dalka Pakistan waxaa uu ka mid yahay dalalka uu kobcayo xiriirkooda ganacsi ee kala dhaxeeya Soomaaliya, ganacsigaas oo gaar ahaan sii xoogeystay 3badii sano ee la soo dhaafay.

Fahimur Rehman, oo ah ku-xigeenka rugta ganacsiga ee Lahore ayaa sheegay in ganacsiga Pakistan iyo Soomaaliya uu kor u kacay min 2015-2017, kor u kaca wuxuu ku sheegay $31 million ilaa $50 million halka waxyaabaha ay Soomaaliya dalkaasi geyso lagu qiyaasay $7 million, isaga oo intaas raaciyey in rugtan ganacsiga ee Lahore ay mar walbo u doodeyso in la xoojiyo xiriirka ganacsi ee labada dal.

Rehman oo la kulmay mas’uul ka tirsan safaaradda Soomaalida ee Pakistaan ayaa sheegay in Waxyaabaha ay Pakistaan u soo dhoofiso Soomaaliya ay ka mid yihiin bariiska, Sonkorta iyo daawada, waxaa ay sanadkii hore gaareen ilaa $43 Milyan.

“Waxaan awoodnaa in ka jawaabno baahida ganacsi sida: alaabta guryaha, waxyaabaha korontada la xiriira, Mootooyinka, dharka iyo alaabaha kale” ayuu intaasi raaciyey Fahimur Rehman

Goobjoog News