U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow Hindise Sharciyeedka Nidaamiya Naqshadeynta Magaalooyinka iyo Maamulka Dhulka

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka 9aad kalfadhiga 4aad ee golaha shacabka oo maanta ay soo xaadireen 168 Xildhibaan ayaa la sii wadey dooddii xeer-hoosaadka golaha, waxaa kale oo maanta la qeybiyey hindise sharciyeedka nidaamiya naqshadeynta magaalooyinka, horumarinta dhismaha iyo maamulka dhulka, oo ay soo diyaarisay wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta.

Arrimaha uu ka hadlaayo hindise sharciyeedkan waxaa ka mid ah: horumarinta naqshadeynta magaalooyinka, horumarinta dhulka Soomaaliyeed iyo kheyraadkiisa, hannaanka diiwaan-gelinta shirkadaha dhismaha, ilaalinta deegaanka, qaabka bixinta qandaraasyada iyo arrimo kale.

Arrimaha lagu faah-faahiyey waxaa ka mid ah: Seerooyinka Dhulka Magaalooyinka, oo ay ka mid yihiin qeybinta guud ee dhulka(land zoning iyo physical planning, oo u kala baxa:

Warshadeed iyo xirfado(Industrial and Artisanal Handcraft), Ganacsiga(Commercial zone), Danta guud(public purpose), loo seereeyey waddooyin, dugsiyada waxbarashada iyo Jaamacadaha, jardiinooyinka iyo goobaha nasashada, barxadda gaadiidka la dhigto(Parking Area), xarumaha adeegyada caafimaadka, xarumaha xafiisyada dowladda, garoomada cayaaraha iyo xarumaha Sportiga, saldhigyada booliiska iyo xabsiyada, xeryaha ciidamada qalabka sida, masaajidyada, qabuuraha, maxkamadaha iyo goobaha taariikhiga ah.

Waxaa kale naqashadaha lagu muujinaa goobaha adeegga sida: marinka xargaha korontada, xargaha Telefoonnada, isgaarsiinta iyo laliska telefoonada, isgaarsiinta iyo xargaha khadka internetka badweynta, biyo-gelinta iyo tubooyinka, bulaacadaha, waddooyinka iyo buundooyinka, tilmaamaha xaafadaha iyo isgoysyada muhiimka ah.

Waxaa arrimaha qaabeyn-doonta wakaalad ay dhisi-doonto wasaaradda, waxaana xubno ka noqon-doona Injineero iyo khubaro kala duwan, waxaana la soo saari-doonnaa sharciyo.

Goobjoog News