U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow Liiska Kala Sarreynta 10 Magaalo Ee Ugu Wanaagsan Adduunka 2018

Sheeko:Dalka

Survey ay sameeyeen qeybta Intelligence ee raacsan Economist Group ayaa lagu ogaaday “In Vienna ay tahay magaalada ugu wanaagsan ee lagu noolaankaro adduunka”, waxeyna sidaa kaalinta ugala baxday magaalada Melbourne oo markii hore loo aqoonsanaa.

Survey-ga ayaa tilmaamay in magaalada Manchester ee UK ay horumar wanaagsan sameysay oo ay soo kacday 16 kaalin, waana horumar aaney sameyn magaalo kale oo Yurub ah, waxey gashay kaalinta 35 magaalooyinka ugu wanaagsan adduunka ee dhanka nololsha.

The Economist waxey yiraahdeen: “Horumarka ay sameysay magaalada Manchester, waxa uu ugu weyn ammaanka magaalada oo si weyn u hagaagay.”

Roxana Slavcheva oo Surveyga diyaarisay ayaa waxey tiri: “Manchester waxey muujisay awood dib u kabasho weeraradii argagaxiso ee magaalada ka dhacay kadib, waxaa ka muuqda xasillooni badan”

Waxey intaa sii raacisay: “Xaaladda ammaan magaalooyin badan oo Yurub ah ayey aad u soo hagaagtay.” iyadoo carrabka ku adkeysay in Vienna ay ugu horreyso magaalooyinka Yurub dhanka ammaanka, arrintaas oo ku tusinaysa sida xaaladda ammaan ay u soo hagaagtay guud ahaan Yurub.”

Shaxdan kala sarreynta 140 dowladood ayaa dhinacyo badan laga eegay, xasilloonida Siyaasadeed, tan dhaqaale, heerka dambiyada, waxbarashada, adeegyada caafimaad ee ay magaaladu bixiso.

Magaalooyinka ugu khatarta badan adduunka dhanka hoose waxaa kaga jira Damascus, Dhaka iyo Lagos, Survey-ga laguma soo hadalqaadin magaalooyinka Bahghdad iyo Kabul.

10 magaalo ee ugu wanaagsan 2018

  1. Vienna, Austria
  2. Melbourne, Australia
  3. Osaka, Japan
  4. Calgary, Canada
  5. Sydney, Australia
  6. Vancouver, Canada
  7. Tokyo, Japan
  8. Toronto, Canada
  9. Copenhagen, Denmark
  10. Adelaide, Australia

10 magaalo ee ugu halista badan 2018

  1. Damascus, Syria
  2. Dhaka, Bangladesh
  3. Lagos, Nigeria
  4. Karachi, Pakistan
  5. Port Moresby, Papua New Guinea
  6. Harare, Zimbabwe
  7. Tripoli, Libya
  8. Douala, Cameroon
  9. Algiers, Algeria
  10. Dakar, Senegal

Goobjoog News